Qabanqaabo iyo shirar ku aadan Maamul U Sameynta Jubooyinka iyo Gedo oo gabogabo ku dhow

60

Waxaa magaalada xeebta ah ee Kismaayo ka socda shirar isdaba jooga ah oo u dhaxeeya dhinacyada ku lugta leh maamul u sameynta Jubooyinka iyo Gedo kaasoo looga arrinsanaayey sidii loo dedejin lahaa loona soo afjari lahaa khilaafka hareeyey dhismaha maamulka Jubbaland State oo in ka badan sanad lagu howlanaa.

Kulamadaan oo intiisa badan ku saabsan saxitaanka iyo balaarinta maamul goboleed loogu magac darey Jubbaland State ayaa waxaa musuuliyiinta hor boodeysa ka mid ah  masuliyiinta Maamulka kmg ah ee Magaalada Kismaayo uuna ugu horeeyo Gudoomiyaha Ururka Raaskambooni ahna Madaxa Maamulka KMG ee Jubooyinka Sheekh Axmed Madoobe , masuuliyiin ka socda gobalka Gedo oo uu horkacaayo Guddoomiyaha Ururka Ahlusunnada Konfureed Sh Maxamed Aw-libaax, iy Xubno siyaasiyiin beelaha Soomaaliyeed ka socda iyo Guddi lagu magacaabey Guddiga Farsamada Maamul usameynta Jubboyinka iyo Gedo.

Kulamada oo heer gabogabo maraaya ayaa dhinacyada kulamada u socdo wadaan soo xulista guddi gaar ah oo ka shaqayn doono howlo ay ka mid yihiin:

  1. Keenista iyo dajinta in ka badan 500 ergo oo isugu jira siyaasiyiin iyo aqoonyahano ka soo jeedo deegaanka Jubooyinka iyo Gedo oo si toos ah uga qayb qaadan doonta Shirweynaha Maamul us ameynta Jubboyinka iyo Gedo.
  2. Diyaarinta Qorshe ama Agendaha shirweynaha Maamulka Jubbaland State, isla markaasna diyaarin doona doorasha xor iyo xalaal ah oo lagu soo doorto Madaxweyne uu yeesho Maamul goboleedka Jubbaland State.
  3. Sugida Amniga guud ee Magaalada Kismaayo iyo goobaha ay dagan yihiin ergoyinka ka qayb galaya Shirweynaha Jubbaland iyo ilaalinta iyo maareynta kharashyada ku bixi doonta dhismaha maamulka inta uu socdo.

Dhismaha Maamulkaan iyo sidoo kale guddiga la magacaabi doono  waxaa horyaala caqabado ay ka mid yihiin qaabka xulista ergooyinka ka qeyb qaadanaaya shirka, iyo diidmada dowlada Federaalka Soomaaliya oo iyadu aaminsan in ay leedahay maamul u sameynta gobalada dalka oo Jubbooyinka ay ku jirto, taasoo maamulka kmg ah ee hadda ka jira Kismaayo kala hor yimaadeen diidmo iyagoo sheegay in madaxweynuhu hareer marsan yahay dastuurka federaalka oo dadka gobolada dalka iyo degmooyinka wada dega  ay u madax baneynaayo iney dhisantaan maamul ay iyagu leeyihiin oo ay iska soo dhex doorteen.

Xafiiska Warqabadka Idale News Kismaayo
Axmed Yoontoy idalenews@yahoo.com

You might also like More from author

Comments are closed.