Ra’iisul Wasaare Abdiweli oo sheegey furintaanka kulanka Ergada Ansixinta Dastuurka

57

R/wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Dr C/weli Maxamad Cali oo maanta ka qeybgalay Shirka Odayasha dhaqanka  ayaa sheegay in shan iyo labaatanka Bishan uu si rasmi ah u furmayo shirka ansaxinta Dastuurka Cusub ee dalka.

Kulanka uu maanta la qaatay R/wasaaraha Soomaaliya Odayaasha dhaqanka ayaa waxaa goob joog ka ahaa Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay U Qaabilsan Arrimaha Soomaaliya xubno ka tirsan golaha wasiirada oo uu ka mid ahaa wasiirka dastuurka iyo dib u heshiisiinta.

Kulanka ayaa waxaa hadal ka jeediyay C/weli Maxamed Cali  “Gaas”  waxa uuna sheegay in looga baahanyahay Odayasha dhaqanka in ay markale dib u dhac ku keenini soo xulista ergada ansaxineysa dastuurka dalka maadaama uu waqtigu yahay mid gabaabsi ah xukuumadana ay horyaalaan howlo badan.

Sidoo Kale R/wasaaraha ayaa Odayaasha kala hadlay arrimaha Haweenka ee ku aadan in 100%30 ay ku leeyihiin dowladda cusub waxa ayna Odayasha sheegeen in  aan xuquuqda haweenka la inkirikarin ayna u ogolaanayaan.

Ugu dambeyntii C/weli Gaas  ayaa carabaabay in 25 bishan  uu furmayo shir weynaha lagu ansaxinayo Dastuurka cusub ee dalka taas oo ku beegan maalinta arbacada ah.

Ambassador Augstina Mahige oo sidoo kale hadal ka jeediyay goobta ayaa dhankiisa waxa uu sheegay in beesha caalamka ay ogolaatay in baarlamanka Soomaaliya laga dhigo 275 maadaama ay Odayasha dhaqanka soo jeediyeen arintaas

You might also like More from author

Comments are closed.