Wafdi dhinacyo badan ka socda oo gaarey Kismaayo qaban qaabana ugu jira shir weynaha JubbaLand State

28

Dhageyso Xaalada Wafdiga iyo Amaanka Kismaayo [audio:http://kismaayo24.com/wp-content/uploads/2012/11/Wariye_caynte_iyo_c.laki_.mp3]

Diyaarad siday Wafdi ka kooban xubno ka socda urur goboleedka IGAD iyo gudigii farsamada maamul usameynta gobolada Jubooyinka iyo Gedo ayaa goor dhawayd soo gaarey garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo.

Wafdiga ayaa goortii ay ka dageen diyaarada waxaa garoonka ku soo dhaweeyay madaxda maamulka ku meelgaarka ah ee ka arimiya magaalada Kismaayo iyo saraakiil ka tirsan ciidanka AMISOM ee magaalada Kismaayo.

Xubnaha gudiga farsamada waxay ka kooban yihiin 8 xubnood waxaana ka mid ah Awlibaax, Mukhtaar dheere,C/casiis Maxamuud iyo xubno kale.

Shirkii maamul u sameeynta gobolada Jubooyinka iyo Gedo ayaa la filayaa in isbuucyadan uu furmo mar hadii xubnihii la sugayay ay maanta gaareen magaalada Kismaayo.

Tagitaanka wafdigan isugu jira IGAD iyo gudigii farsamada ee Kismaayo ayaa kusoo beegmaya maalmo un kadib markii qaar kamida saxaafada soomaaliyeed ay baahiyeen warar been abuur ah oo sheegayay in wafuudii Kismaayo ku sugnayd ay ku laabteen magaalada Nairobi

Idale News Kismaayo
Axmed Yoontooy idalenews@yahoo.com

You might also like More from author

Comments are closed.