Rabshado Maanta ka jira Xaafada Islii, Nairobi

24

Xaalada Xaafada Islii ee magaalada Nairobi ayaa wali ah mid aad u kacsan, waxaana la maqlayaa rasaas ay ridayaan ciidamada amaanka  ee Kenya.

Dad Kenyan ah ayaa isugu soo baxay wadooyinka kuwaas oo ugaarsanaya Soomaalida xaafada Islii, iyadoona lasoo sheegayo in ay jiraan dad dhibaato loo gaystay.

Gabi ahaanba waxaa xiran ganacsigii xaafada Islii, dadkii tirada badnaana maanta ma joogaan xaafada oo waxaa ay ukala carareen xaafadahooda.

Ilaa iyo haatan inta la xaqiijiyay waxaa dhibaatooyin dhaawac ah ay soo gaareen 5 ruux oo Soomaali ah oo mid kamid ah lagu sheegay in ay ahayd gabar lafara xumeeyay.

Dadka Soomaalida ah ayaa lagala dagayaaa gaadiidka dadweynaha ee ay saaran yihiin sida uu sheegay qof si dirqi ah kaga soo baxsaday kooxo soo weerartay.

Xafiiska Xildhibaanka deegaanka Kaamakunji Yuusuf Xasan ayaa dadka Soomaalida ah ugu yeeray in ay guryahooda ku ekaadaan oo aysan banaanka usoo bixin, sidoo kale waxaa uu uga digay inaysan raacin gaadiidka dadweynaha oo shacabka Soomaalida ah lagu ugaarsanayo.

Ciidamada Kenya oo iyagana kusugan Xaafada ayaa ridaya rasaas xoogan oo dadka soo xasuusinaysa deegaanadii ay ka yimaadeen ee Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho.

Rasaasta la ridayo ayaa waxaa ay ciidamada ku kala kaxeynayaan Kenyanka ugaarsanaya dadka Soomaalida ah ee xaafada Islii, waxaana ay gacanta ku dhigeen qaar badan oo kamid ah kooxaha falkaas gaysanaya.

Ciidamada amaanka Kenya Oo Istic malaya Sunta Dadka kaga ilmaysiisa Ayaa  toogasho Ku diley Wiil dhalin yaro ah

You might also like More from author

Comments are closed.