35 Soomaali Haween u Badan oo lagu Xiray Dalka Masar

0

Alexandria (INO) – Ciidamada Ammaanka Masar ayaa xir xiray 35 ruux oo Soomaali ah, kuwaa 25 ka mid ah ay Haween yihiin, Waxayna doonayeen dadkaas la Xirxiray kuwo Tahriib u Socday.

Teaser Image 35 Soomaali Haween u Badan oo lagu Xiray Masar

Dadkaas ayaa la sheegay in lagu qabtay Magaalada Alexandria, halkaasoo ay doonayeen inay ka Tahriibaan una Gudbaan dalka Talyaaniga.

Mid ka mid ah Ehelada dadka la Xiray ayaa sheegtay in aysan jirin ilaa iyo hada cid u dooday dadkan ay Xireen Ciidanka Ammaanka Masar.

Masar ayaa ka mid ah Dalalka ka Mamnuucay Tahriibka, Waxayna horay u qabtay dad Afrikaan iyo Carab isugu jira oo doonayay inay ka Tahriibaan Dalkaas.

Soomaali Fara-badan ayaa Sanadihii u Dambeeyay u Tahriibayay dalalka Yurub, si ay u helaan nolol ka Wanaagsan tii ay ku jireen, Wallow aysan Intooda Badan Helin Nolosha ay ku Maleynayeen in ay ka heli doonaan Dalalka ay ku Gelayaan Tahriibka ay dhibka Badan kasoo Maraan.

Idale News Online –Alexandria 

Leave A Reply

Your email address will not be published.