Ra’iisul Wasaare Saacid oo si rasmi ah ugu dhawaaqey golahiisa wasiirada oo ka kooban 10 Wasiir. (Beelaha ay ka soo jeedaan)

34

Raysul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon ayaa maanta magaalada Muqdisho kaga dhawaaqay dowlad ka kooban 10 wasiir.

Hoos ka akhri liiska magacyada wasiirrada cusub.

1-      Marwo Fowsiya Yuusuf X. Aadan: Raysul wasaare ku xigeen, ahna wasiirka arrimaha dibedda (Isaaq/Habar Yoonis)

2-      Mudane Cabdullaahi Abyan Nuur: Wasiirka Garsoorka, Arrimaha Diinta & Awqaafta  (Dir)

3-      Mudane Cabdixakiin Maxamuud Xaaji Fiqi: Wasiirka Gaashaandhigga (Digil/Dabare)

4-      Mudane Cabdikariim Xuseen Guuled: Wasiirka Arrimaha Gudaha & Amniga Qaranka. (Habar Gidir/Sacad)

5-      Mudane Maxamuud Xasan Suleymaan: Wasiirka Maaliyadda & Qorsheynta (Majeerteen)

6-       Mudane Cabdullaahi Ciil-Mooge Xirsi: Wasiirka wasaaradda Warfaafinta iyo Isgaarsiinta (Ogaadeen/Cawlyahan)

7-      Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed: Wasiirka wasaaradda Khayraadka Dalka (Xawaadle) member of Somali Canadian Diaspro Alliance, xubin sare Isbaheysigii Dib u xoreynta ee Sheikh Shariif

8-      Mudane Muxyadiin Maxamed Kaalmooy: Wasiirka wasaaradda Howlaha Guud  (Jareer Weyne) – qunsulkii Safaarada Somalia ee LIbya)

9-      Marwo/Drs Maryan Qaasim Axmed: Wasiirka Horumarinta Adeegga Bulshada (Beesha 5aad)

10-  Mudane Maxamuud Axmed Xasan (Dalab): Wasiirka wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha (Mirifle/Sagaal/Hadamo)

Liiska ayaa ka muuqda 3  wasiir oo ka mid ah golihii Farmaajo, kuwaas soo kala ah: Maryan Qaasim Axmed, Fiqi iyo C/hi Abyan Nuur.

 

 

 

 

 

You might also like More from author

Comments are closed.