Warbixin Xasaasi ah: 10 Wasiir oo 6 ka mid ah yihiin Dam Jadiid oo Sabtida la shaacin doono

30

Murankii ka taagnaa tirada Golaha Wasiirada ayaa ugu dambeyntii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon go’aansadey inuu aqbalo tiradii uu Madaxweyne Xasan Sheekh soo jeediyey ee ahayd in golaha cusub ee wasiiradu noqdaan 9 ama 10 wasiir ugu badnaan, madaxweynuhunu keeno xubnaha ugu badan ee golahaas ka mid noqon lahaa.

Xubnaha ka mid noqon doona golaha wasiirada ayaa u badan Kooxda DAM-Jadiid iyo Xisbiga Madaxweyne Xasan ee PDP oo ah xisbi aan dalka Soomaaliya ka diiwaan gashaneyn, mana jiraan xildhibaan ka tirsan dowlada oo ka mid noqon doona golaha Cusub ee Wasiirada, waxaana taasi ay meesha ka saareynaa rajadii mid ka mid ah la taliyaasha sare ee madaxweynaha iyo maskaxda xisbiga DamJadiid oo lagu magacaabo Faarax C/qaadir (oo lagu naaneeso Faarax Sakiin) inuu noqdo Wasiirka ( Waxbarashada, Hidaha & Tacliinta Sare iyo Dhalinyarada & Sportiga ) oo uu ku magacownaa.

Warar hoose ayaa sheegaaya in Faarax C/qaadir daneynaayo inuu iska casilo Jagada Xildhibaanimada barlamaanka, isla markaasna ku bedesho jagadaas wasiirnimo, maadaama Faarax la sheegaayo in uu yahay shaqsi  kalsooni buuxda ka haysto madaxweynaha, isla markaasna ah xubin sare oo Dam Jadiid ka tirsan, sidoo kalena ahaa aasaasihii Macadka SIMAD iyo masuulkii lahaa magacaabista dhamaan maamulayaasha Macadka SIMAD oo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ka mid ahaa Maamulaha Macadka SIMAD ee Faarax C/qaadir Magacaabey.

Golaha Wasiirada oo maalinta berito la shaacin doono ayaa waxaa mucaarado aad u weyn kala hor imaan doona inta badan xubnaha Barlamaanka Soomaaliyeed, oo durbada shaaciyey in madaxweynuhu faraha kula jira howsha dhismaha xukuumada ra’iisul wasaare Saacid, taasoo dhalisey muranka iyo magacaabista golaha wasiirada oo wax ka yar 2 cisho ay ugu harsan tahay waqtiga loo qabtey in Ra’iisul Wasaaraha ku soo dhiso xukuumadiisa.

 Madaxweyne Xasan oo labadii cisho ee ugu dambeysey ku howlanaa taageero u raadinta xukuumada cusub ee Ra’iisul Wasaare Saacid ayaa ku guul dareystey. Beelahii ugu dambeeyey ee uu la kulmey waxaa ka mid ahaa Beesha Murursade, Beelaha Digil iyo Mirifle, Beelaha Direed, iyo Beelaha Daarood, kuwaasoo si aan leexleexad lahayn ugu sheegey madaxweynaha in aysan suurtogal ahayn talisnimo iyo in loo xagliyo dano Xisbi gaar ah leeyahay oo aan wax sharciyad dastuuri ah oo dadka iyo dalka Soomaaliyeed midna ka haysan.

Xukuumada la soo dhisi doono ayaa aad uga duwan kuwii ka horeeyey, madaxweynaha ayaa  baal marey awood qaybsiga dowlada lagu soo dhisay iyadoo 4ta wasaaradood ee dalka ugu waawayn iyo kuwa ugu muhiinsan la siiyey beelo gaar ah oo aad beri liiska golaha ku arki doontaan.

Waxaa kaloo la yaab aheyd in wasaaradaha qaar laga dhigay wakaalado, kuwaasoo ay ka mid tahay wasaarada Gaadiidka Cirka iyo Dhulka iyo wasaarado kale, waxayna hoos tagi doonaa maamulka gobolka Banaadir, si local ahna loo maareeye_yaal loogu magacaabi doono.

Magacaabista Golaha Wasiirada iyo Waxii kale ee soo kordha kala soco Idale News Online www.idalenews.com

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.