Wafdi labo dhinac isugu jira oo gaarey Degmada Kismaayo oo caasimad u ah Gobalka Jubada Hoose

57

Wafdi ka socda dowladda Soomaaliya iyo Saraakiisha AMISOM ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee Xarunta Jubada Hoose, iyadoo wafdigan uu yahay kii u horeeyay ee ka socda dowladda ee gaara magaalada dekeda leh ee Kismaayo.

Sida ay sheegayaan wararka wafdigan ayaa waxaa hogaaminayay Sii hayaha xilka Wasiirka Gaashaandhiga Xuseen Carab Ciise, Taliyaha Ciidamada xooga dalka Jen. C/qaadir Sheekh Cali Diini iyo Taliye kuxigeenka AMISOM oo ay wehliyeen saraakiil ciidan.

Wafdigan oo ka ambabaxay magaalada Muqdisho ayaa markii ay ka dageen garoonka diyaaradaha Kismaayo waxaa ku soo dhoweeyay Hogaamiyaha Raaskambooni Axmed Madoobe, Taliyaha Ciidamada dowladda ee Jubooyinka Jen. Saxardiid iyo Saraakiil ka tirsan dowladda.

Wararka ayaa sheegaya in wafdigan ay u kuur geli doonaan xaalada magaalada Kismaayo, iyadoo shalay howl galo ballaaran dad fara badan lagu qab qabtay ay ka sameeyeen Ciidamada huwanta ee ku sugan magaalada.

Mas’uuliyiinta gaaray magaalada iyo Saraakiisha ciidamada ayaa kulan ammaanka looga hadlayay la yeeshay Saraakiisha hogaaminaya Ciidamada ee ku sugan Kismaayo, iyagoo ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa howl galada.

Wafdigan ayaa la filayaa inay kala hadlaan dhinacyada ku sugan magaalada sidii ay ammaanka uga shaqeyn lahaayeen, isla markaana loo dhisi lahaa maamul loo dhan yahay.

Tan iyo markii Ciidamada huwanta ay qabsadeen Kismaayo ayaa waxaa guux xoog leh ka jiray maamul u sameynta deegaanada Jubooyinka oo murano badan ka taagnaa.

Xafiiska Warqabadka Idale News Kismaayo
Axmed Yoontooy idalenews@yahoo.com

You might also like More from author

Comments are closed.