Madaxweyne Xasan Sheekh: Lamood Noqonse Weyday

11

Xassan Sh. Maxmuud: Lamood Noqonse Weyday
Cabdi Gadad
Mrxabiib@yahoo.com
October 08 2012

Iyadoo madaxweynuhu weli cusub yahay haddana ilaa hadda calaamadaha aan ka aragtay Xasan sh Maxmuud ayaa muujinaya in uusan ahayn hoggaamiyihii Soomaaliya waqtigaan dhibaatada ka saari lahaa. Inkasta oo dadka dareenkoodu kacsanaa oo aan shakhsiyadda madaxweynaha waqtigaas la fiirinayn haddana qof kasta oo khibrad siyaasadeed lihi wuxuu wax badan ka fahmi karay labadii khudbadood ee ugu horreeyey ee uu madaxweynuhu jeediyey oo ahaa khudbadihii uu ka kala jeediyey goobtii lagu doortay iyo goobtii caleemo saarka. Khudbadahaas waxaa aniga iiga soo baxay in uusan madaxweynuhu laheyn aragti ama “vision” hoggaamiye iyo khibrad siyaasadeed midna, annaguna haddaan nahay shacabka soomaaliyeed aan “laf toobin ku hayno”.

Qaabka Khudbadaha Madaxweynaha

Tan koowaad qaabka ama “style” ka uu Madaxweynuhu khudbadaha u akhrinayey waxaa laga dheehan karey karti yarida iyo kalsooni la’aanta madaxweynaha. Sidaan og nahay marka madaxweyne la doorto khudbadda ugu muhiimsan ee uu jeediyo waa tan caleemo saarka oo  Madaxweynuhu isku baro ummaddiisa si koobanna ugu soo gudbiyo wax qabadkiisa muddada la doortay. Khudbaddaan waxaa lagu ogaadaa kartida madaxweynaha. Sidaas darteed ayey hoggaamiyeyaashu maskaxdooda isugu geeyaan khudbadooda ugu horreysa ee caleemo saarka, shacabka iyo madaxda adduunkuna khudbadaas waxay ka dheehdaan qaabka hoggaamineed ee madaxweynahaas cusub.  

Madaxweyneheennu labadiisii khudbadood ee doorashada iyo caleemo saarkaba wuxuu akhrinayey waraaqo diyaarsan oo xitaa wax tacliiq ama faah faahin ah kuma dareyn inta waraaqaha ku qornaa. Saasoo ay tahay haddana waraaqaha si fiican uma akhrinayn ee hadba meel ayaa ku istaageysey sidii nin aan akhriska ku fiicnayn. Kaaga darane khudbaddii dambe ee caleema saarka, maalintii uu akhrinayey maalintii ka horreysay ayuu madaxweynuhu idaacadda VOA-Somali ka sheegay isagoo xitaa aan erayada kala beddelin, taasoo khudbaddiisii caleemo saarka ka dhigtay “war la qabaa xiiso ma leh”.

Style-ka ka sokow, nuxurka khudbadaha ayaan ahayn kuwo dhiirri gelinayey qalbigii niyad jabay ee shacabka soomaaliyeed. Waxaa la sugayey in uu ummaddaan niyaddu ka jabtey uu dhiiragelin, baraarujin, iyo abaabul ku sameeyo, uuna dareensiiyo in wax kasta oo na hortaagan laga gudbi karo haddii aan si fiican u hawl galno.

Taas beddelkeeda waxaa khudbaddiisii caleemo saarka ku jirtey in godka aan ku dhacnay aannaan kasoo bixi karin in adduunku naga soo saaro ma ahane, taas oo ahayd niyad jebin iyo dhiirri gelin la dhiiri gelinayey dhaqan xun oo 20-kii sano ee dagaallada abuurmay, dhaqankaas oo ah in aan haba yaraatee waxba dadku qabsan karin haddaan NGO-yada iyo “Beesha Caalamka” gacan laga helin.

Dhaqankaani waa caqabadda ugu weyn ee hortaagan in soomaalidu kasoo kabsato burburkii ku dhacay, waxayna ahayd in aad loola dagaallamo oo ummadda maskaxdooda laga tir tiro, dadkana la baro in ay iyagu wax qabsan karaan, ee ma ahayn in la sii dhiirageliyo dhaqankaan xun.

Tallaabooyinka Siyaasadeed ee Madaxweynaha

Inkastoo uusan madaxweynuhu ilaa hadda tallaaabooyin badan qaadin haddana ilaa hadda tallaabo kasta oo uu qaaday waxaad moodaa in ay sii yareynayso rajadii laga qabey hoggaamintiisa. Arrimaha shacabku uga niyad jabay waxaa kamid ah:

Wuxuu booqashooyinkii ugu horreeyey ku tegey Baydhabo iyo Beledweyne. Marka laga soo tago su’aalaha ka imaan kara sababaha uu u doortay labadaan magaalo oo labaduba ah meelo ay ka taliyaan ciidamada itoobiya (asagoon meelo kale booqan), wuxuu madaxweynuhu dhaliilo iyo ceeb kala kulmay qaabka booqashadiisa loo qorsheeyey.

Iyadoo shacabka labada magaalo ay aad ugu han weynaayeen madaxweynaha haddana madaxweynuhu labada magaalo midna ma uusan gelin shacabkana ma uusan arag.

Xaqiiqdii waxaa la dhihi karaa labada “booqasho” waxay ahaayeen safar uu madaxweynuhu ku tegey xeryaha ciidamada shisheeye ee duleedka labada magaalo ku yaalla. Weliba Baladweyne oo shacabkii magaalada oo dhan ay magaalada daadad uga carareen oo ay bannaanka magaalada tuban yihiin xitaa hadduusan waxba u tarayn in uu soo kormeero  oo “isku soo sawiro” wax dhan bey ahaan lahayn. Taas beddelkeeda inta duleedka magaalada kula shiray saraakiisha shisheeye iyo dhowr qof oo loo sii diyaariyey ayuu villa soomaaliya kusoo laabtay.

Deegaannada iyo maamullada soomaalida sida Puntland, Somaliland, GalMudug, iyo gobollada dhexe midna ma uusan booqan, ma uusan casumin, xiriir wanaagsanna lama uusan sameyn. Deegaannadaan hadduu  booqan lahaa waxay ahaan lahayd calaamad wanaagsan oo kalsooni abuurta shaki badan oo abuurmi karana meesha ka saarta.

Jubbooyinka oo ay AMISOM iyo Ciidamo Soomaali ah qabtey kana wada saareen Al Shabaab wuxuu ula dhaqmey sida in aysan soomaaliyaba ka mid ahayn.

Iyadoo qarannimadii soomaaliya ay qar ka laa laaddo oo lagu jiro waqti kala guur ah oo aad u dhib badan ayuu sidii nin aan shaqo sugaynin oo kale hal bil oo dhan sugayey magacaabidda raysal wasaaraha. Arrintaan waxaa keeni kara labo arrimood midkood: in uusan madaxweynuhu ku fiicnayn go’aan qaadashada, ama in uusan fahamsanayn shaqada hortaalla ee laga sugayo. Shacabkii kacsanaa ee la rabey in uu dareenkooda ka faa’iidaysto ayuu “ku bargooyey

Dookha raysal wasaaraha ee madaxweynuhu taageero uma soo kordhinayo dowladda, iyadoo taageero ay awal haysatey ku luminaysa. In kastoo raysal wasaare Cabdi Faarax aanan shakhsiyan aqoon u lahayn haddana waxaa muuqata in jagada loogu dhiibay “bal ku tijaabi” sababtoo ah waxaa muuqata in uusan ahayn nin lagu soo doortay aqoon uu leeyahay, khibrad uu leeyahay, taageero uu maamullada deegaannada ka haysto, taageero uu shacabka ka haysto, aqoon diimeed oo uu taageero uga heli karo wadaaaddada iyo culimada, xiriir wanaagsan oo waddamada hodanka ah la leeyahay, iyo wadaniyad lugu soo xushay midna.

Inkastoo aan aad ugu faraxnay doorashadii Xasan Sh. Maxmuud aanna is tusinay waa cusub oo noo soo iftiimay haddana waa tii la yiri “sadaqadaan cuni doono, saasaankeedaan ka gartaa”. Marka ilaa hadda calaamadaha aan ka aragnay madaxweynuhu waxay sii yareynayaan rajadii waagii cusbaa ee inoo muuqday. La mood noqonse weyday!

W/Q Cabdi Gadad

You might also like More from author

Comments are closed.