Shaxda Golaha Wasiirada iyo Wax qeybsiga Xukuumada Ra’iisul Wasaare Saacid

26

Ra’iisul Wasaaraha Somalia Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa dhameystirey magacyada liiska xubnaha mid noqon doona golahiisa xukuumada oo warar hordhac ah ay sheegayaa in lagu soo uruuriyo ilaa 10 wasaaradood oo kaliya, taasoo aan la garan karin sida barlamaanku codka kalsoonida u siin karo xukuumada ku kooban talada madaxweynaha iyo xisbigiisa PDP oo kaliya.

Warar kale oo aan weli si rasmi ah u soo shaac bixin ayaa iyaguna sheegaaya in golaha wasiirada cusub ay noqon doonaan 14 wasiir kuwaasoo awood qeybsiga beelaha Somaliyeed u kala helay sidaa:

Digil iyo Mirifle: ———–> 3 (2 Mirifle (Sagaal 1, Sideed 1 wasiir, Digil 1)
Darood: ———————–>3 (Majeerteen 1, Ogaandeen 1, Dhulbahante 1)
Dir: ————————— ->3 (Dirta Koonfureed 1, Isaaq 1, Gadbuursi 1)
Hawiye:———————-> 3 (Xawaadle 1, Habargidir 1, Gugundhambe 1)
Beesha 5aad: —————>2 (Shiikaal Reer Aw-Xasan 1, Jareer weyne 1)

Wasaaradaha  ugu muhiimsan ee dowladda ayaa waxay beelaha Soomaaliyeed loogu nisbeeyey:

Wasaarada Arrimaha Dibada iyo R/Wasaare Ku Xigeen: Isaaq

Wasaarada Arrimah Gudaha iyo Amniga Qaranka: Hawiye/Habar Gidir / Sacad

Wasaarada Gaashaandhiga: Digil iyo Mirifle /Beesha Digil Qabiil ka soo jeeda

Wasaarada Maaliyada: Daarood/Ogaadeen

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare: Beesha 5aad: Shiikaal/Reer Aw Xasan.

Xogtaan hoose oo Xafiiska Warqabadka Idale News ay heshay ayaa ah mid waqti kastaa isbedel ku imaan karo, laakiin waxay wax weliba kala cadaan doonaan maalinta khamiista (November 1 2012) oo shaaca laga wada qaadi doona dhamaan 14ka wasiir ee la filaayo in la magacaabo waaba haddey intaasi ka yaraanin.

Haddii Tirada Goluhu Noqdaan 10 Wasiir sida iyaduna la saadaalinaayo waxay beeluhu u kala heli doonaan sidaan;

Digil iyo Mirifle: ———–>2  (Mirile 1, Digil 1)
Darood: ———————–>2 (Ogaadeen 1, Majeerteen 1)
Dir: ————————— ->2 (Isaaq 1, Gadabuursi 1)
Hawiye:———————-> 2 (Habar Gidir 1, Xawaadle 1)
Beesha 5aad: —————>2 (Shiikaal Reer Aw Xasan 1, Jareer Weyne 1)

Idale News Muqdisho.

 

You might also like More from author

Comments are closed.