C/wali Cali Gaas oo ka horyimid amarkii uga yimid Faroole ee ahaa inuu ka huleelo Puntland

40

Gudoomiyaha Gobolka Bari wuxuu ku amray Dr. Gaas inuu isaga baxo Boosaaso

Maanta (Arbaca) gelinkii hore Xukuumada Puntland ayaa ku amartay Raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) inuu isaga baxo Magaalada Boosaaso isla markaana safarkiisii uu ku marayey Gobolada Puntland uu joojiyo gebi ahaan.

Kulan saaka ka dhacay Xarunta Gobolka Bari (Xafiiska Gudoomiyaha)  Gudoomiyaha Gobolka Bari Cabdisamed Galan ayaa ku wargeliyey Dr. Gaas inuu isaga baxo magaalada Wasiirka Xanaanada Xoolaha Siciid Xasan Shire & Wasiir Ku xigeenka Maaliyada Cabdiraxmaan Maxamuud Xaaji Xasan oo labadu goob joog ka ahaa kulanka ayaa sheegay inaysan wax war ah kala socon Amarka lagu soo rogay Dr. Gaas hase ahaatee Gudoomiyaha Gobolka Bari ayaa isagu ku adkaystay in amarkaasi ka yimi Madaxda sare ee Dowlada (Madaxtooyada) loona baahan yahay in loo hogaansamo.

Jawaabta Xildhibaan Gaas.

Xildhibaan Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ayaa ku gacan sayray inuu u hogaansamo amarka Xukuumada Puntland wuxuuna sheegay inuusan isaga bixi doonin Magaalada Boosaso isla markaana aanu joojin doonin Safarkiisa uu ku mari doono Deegaano ka tirsan Gobolada Bari & Sanaag.

Xildhibaan Gaas ayaa ku dooday inuu yahay Muwaadin/ Masuul reer Puntland ah uuna xaq u leeyahay inuu si xor ah ugu dhex noolaado Deeganada Puntland ama ugu kala safro .

Wuxuu sheegay inuusan jirin denbi uu Dalka ka galay uuna xaq u leeyahay inuu xogogaal u noqdo Xaalada dhabta ah ee ay ku noolyihiin Bulshada reer Puntland oo uu ka mid yahay mudanayaasha u metela Aqalka Baarlamaanka Soomaaliya isala markaana wax kasta oo dhaca uusan isaga bixi doonin Boosaaso sida ay Idale News u xaqiijiyeen ilo goob joob joog ka ahaa kulanka.

Qado sharaf loo sameeyey Dr. Gaas.

Gacansatada & Waxgaradka Gobolka Sanaag ayaa maanta u sameeyey Dr. Gaas Qado sharaf taas oo lagaga arinsanayey booqashada uu ku tegi doono maalmaha soo socda Gobolka Sanaag .

Goob jooge ku sugnaa kulanka dhex maray Odayaasha reer Sanaag & Xildhibaan Gaas oo ka dhacay Hoteel Juba – Boosaaso wuxuu u sheegay goor dhoweyd Idale News  in ay odayaashu ku dhiiri geliyeen xildhibaanku inuu booqdo Gobolka iyagoo canbaareeyey  Go’aanka Xukuumada Madaxweyne Faroole ku gaartay in aanu xildhibaanku booqan Gobolka Sanaag uuna isaga baxo Degmada Boosaaso.

Waxaa ka mid ahaa Isimadii maanta ka soo qayb galay qado sharafta loo sameeyey Xildhibaanka Garaad Cabdulaahi Cali Ciid oo ka mid ah Isimada ugu caansan Puntland.

Amar dhicisoobay.

Maxamuud Beeldaaje & Cabdicasiis Siciid Gacameey.

Xukuumada Puntland ayaa horay u soo amartay in la soo xiro 12 xubnood oo ka tirsan Siyaasiyiinta, Gacansatada & Waxgardka Gobolka Bari kuwaas oo horay xilal kala duwan uga soo qabtay Xukuumadi Gen. Cade & Xukuumada hada talada haysa ee Dr. Faroole waxaana ka mid ahaa xubnahaas Taliyihii hore ee Ciidamada Booliska Xukuumadi Cade Cabdicasiis Siciid Gacamey & Maxamuud Beeldaaje oo ka soo qabtay Xukuumada Madaxweyne Faroole Wasiiru Dowlaha Ganacsiga & Duqa Degmada Boosaso, Ganacsade Liibaan Maxamad Yuusuf (Liibaan Dheere) iyo rag kale oo caanka ah Puntland.

Go’aanka ay qaar ka mid ah maamulka Puntland ku gaareen in lagu soo xiro xubnahaas ayaa noqon waayey mid dhaqan gal ah.

Idale News Basooso

You might also like More from author

Comments are closed.