Qarax ka dhacey Kismaayo iyo Rasaas Xoogan oo maqlaayo

35

Wararka Naga Soo gaadahaya magalada Kismaayo Ayaa Sheegaya Inay halkaasi Ka Dhacayso Rasas Xoogan Kadib Markii Ciidamada Dowlada Qaraxs Xoogan lagula Beeg saday.

Qaraxa xoogan oo ka dhacay isgoyska Somali Star Ee Magalada Kismaayo ayaa lagu soo saramaya inuu ahaa kuwa dhulka lagu aasay.

Ciidamo badan oo ka tirsan dowlada Soomaliya  ayaa buux dhaafiyey goobta uu qaraxa ka dhacay  iyadoona aan la sheegin dadka ku wax yeeloobey laakin wararka ayaa sheegaya inay ciidamo Dowlada ka tirsan oo howlo halkaasi baaritaano ka wadey halkaasi ay ku dhawacmaan qaraxaasi.

Rasaasta ayaa bilaabatey ka dib markii Cidamada Dowlada  goobta baadhitaanka ka wadeen rasaas lagu soo ridey iyadoona hadda la malqlaayo rasaasta labada dhinac ay isweydaarsanayaan.

Ciidamada dowlada ee ku sugan Kismayao ayaa dhowr jeer waxa lagula beegsaday qaraxyo kuwaasi oo lagu eedeyey iney horay al-shabaab ugu aseen halkaas.

Xafiiska Warqabadka Idale News Kismaayo
Axmed Yoontooy idalenews@yahoo.com

You might also like More from author

Comments are closed.