Tababar Arrimaha Dembi baarista Ciidanka Booliiska oo lagu soo xirey Xarunta Scoula Polizia, Xamar

8

Talisyada Booliska Soomaaliyeed iyo Saraakiil ka tirsan ciidamada Midowga Africa ee AMIOSM ayaa maanta tababar ku saabsan arrimaha dambi baarista u soo xiray xubno ka tirsan ciidamada Booliska Sooamaaliyeed.

Tababarkaan oo socday mudo 12 maalmod ah ayaa  ciidamada booliska Soomaliyeed lugu siiyay casharro ku saabsan  baarista danbiyada ayadoo ay ka qeyb galeen 40 askari oo iskugu jira Rag iyo Dumar kuwaas oo ka shaqeyn doona saldhigyada booliska ee Gobolka Banaadir.

Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyed General Shariif Sheekhuna Maye oo ka hadlay xeritaanka tababarka ayaa ku dheeraaday ujeedada laga leeyahay tababarrada noocaan  iyo baahida loo qabo in tababar ceynkaan oo kale ah la sameeyo, isagoo ciidamada ugu baaqay in ay ku shaqeeyaan waxyaabaha ay ka faa’iideysteen tababarka.

Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay taliyaha ciidanka Booliska AMISOM General Jarles Makonda waxa uuna sheegay in loo baahan yahay in booliska Soomaaliyeed gaar ahaan waaxyaha danbi baarista  ay si wanaagsan u shaqeyaan.

Dowladda Talyaaniga ayaa maalgelisay tabarkaan oo ay casharro ka bixinayeen saraakiil Soomaali iyo ajaanib isugu jirta, talaabadan ayaana qeyb ka ah dadaal xooggan oo ay ka qeyb qaadanayaan dowlado shisheeye oo dib loogu soo celinayo tayada ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

Xafiiska Warqabadka Idale News Muqdisho
Siyaad Macalin Axmed idalenews@yahoo.com

You might also like More from author

Comments are closed.