Faalo: Hadday Xaajo Murugto. Maaraynta Yaa Hela?

60

Soomaalidu waxay lahaan jirtey dhaqan toosan, Umaddu waxay lahayd Xeer iyo Xad ay isku xushmeeyaan iskuna xaq dhowraan, waxay ka tusaale qaadan jirtey Aqoonyahankooda, Waxay ka talo qaadan jirtey Caaqilkooda, waxay ku tiirsanaan jirtey Geesigooda, waxayna ka tacliin baran jirtey Sheekhooda ama Caalimkooda, Waxaa taakulo iyo gargaar la soo gaari jirey Ganacsadahooda.

Burburka halakeeyey Soomaaliya waxaa qeyb weyn ku lahaa hoggaamiyayaashii bulshada ee u soo kacay dalkaan oo Aqoontii iyo Xirfadihii ay lahaayeen badankoodu u adeegsaday hab qaldan, iyo isla weyni aan meel jirin, iyo hadal macaan oo u eg “Beena ha sheegin Runa ha sheegin waxaad sheegtana hawaayin” taasoo keentay in iyaga qudhoodu ay ka marin habaabaan waddadii saxda ahayd ee ay ahayd iney bulshada ku hagaan.

AQOONYAHAN JAAHIL AH: Aqoonyahanka Soomaalidu wuxuu wax bari jirey dhallaanka soo koraaya iyo kuwa roon roon, wuxuu aqoontiisa iyo xirfaddiisa uga faa,iideyn jirey bulshada, wuxuu wax bari jirey howl-wadeennada dhinacyada beeraha; xoolaha; warshadaha; maamul-wanaagga; dhaqaalaha; & siyaasadda.

Aqoonyahanka Soomaalida ee maanta iyo muddooyinkii la soo dhaafay wuxuu ehel u noqday dhaqamada Jaahilka: Qaranka cadow la noqo; Qabyaalad ku dood; Qabiil ku lafa ruug 4.5; Soomalida kale qori dheer isaga fogee; Cadowgaaga qaraabeyso; Qubxi iyo been ka sheekee; Islaweyni iyo darjo ku faan, aqoonyahan wax ku raadi, haddii jago laguu dhiibana, ka qaado kana qulqul, qowda maqashii waxna ha u qaban;  Waxuu markastaa ku hadaaqaa waxqabad been ah. Horey ayaa loo yiri “Hadal aan fiiro loo dhihin iyo caano aan fiiqsi loo dhamin feerahey wax yeelaan” (Aqooney iska raalli ahaw).

CAAQIL XAASID+DOQON AH: Waxgaradku waxay ahaayeen lafdhabarka nabad-gelyada bulshada Soomaaliyeed, haddii xurgufi timaado ama xaajo adkaato waa loo tegi jirey waxayna ku dhameyn jireen caddaalad iyo caqli, xoolana kuma qaadan jirin howshaas muhiimka ahayd ee ay bulshada u hayeen.

Caaqilka Soomaalida ee maanta iyo muddooyinkii la soo dhaafay waxay bahwadaag la noqdeen xaasidnimo iyo doqonimo dulli hareereeyey: Garka iyo gafuurka gaduudso; koofi barawaani ah qaado; cimaamad garwaaxeyso; macawis baalweyn tabso; bakoora cusko; bacmadow qaado; balaayo ku duceyso; kolkii dacwad laguu keeno, kobtii biilka ilmuhu ka bisil yahay, been ugu maqaati fur; warbaahinta ha ka bixin; nabad ku baaq; hoostana balaayo ka maleeg: (Caqliyow iska raalli ahaw).

GEESI FULAY AH: Soomaalidu waxay lahayd geesiyaal lagu tiirsanaado oo dalka iyo dadka difaacooda u geyfan, qaranimada ilaaliya, ku dhinta calankooda, gumeystaha iyo cadowgu ay ka gariiraan marka ay maqlaan magaca Soomaali; aan godobtooda lala hoyan.

Geesiga Soomaalida ee maanta iyo muddooyinkii la soo dhaafay wuxuu u xuub siibtey giiryaale gorfaale fulay ah, ma hubsade haadda ka dheereeya, dalkiisii bad iyo berriga fulaynimo uga cararay; waxaa soo haweystey habar dugaag kuwii ugu liitey, waxayna u tartamayaan in ay degaannadeena dabiiciyan hodonka ah bililiqeystaan, baad naga qaadaan, bah bahna isugu kaaya diraan taasoo si fudud ugu hirgeleysa.

CAALIM CAAMO AH: Culimada Soomaalidu waxay ahaayeen kuwo fidiya diinta, Shacabka ka reeba munkarka macruufkana fara, diinta xaqa ah ee Islaamka ku haga, dumarka mehriya, qur,aanka bara dhallaanka soo koraya iyo kuwa roon roon, ku soo jeeda habeenkii subac iyo sujuud si ay Allihii uuntay u raali geliyaan, la sooro la soo dhoweeyo, la xushmeeyo lagana dambeeyo.

Culimada Soomaalida ee maanta iyo muddooyinkaanba qaarkood waxay diinta ka dhigteen qalab ay ku qaraabtaan; Allaah wuxuu Kitaabka ku yidhi dhiig muslim inuu muslim kale xaqdarro ku daadiyo waa xaaraan; waxay yiraahdeen dhiig muslim in la daadiyo wey banaan tahay; Allaah wuxuu Kitaabkiisa ku yiri qofka muslimka ah waxaa xaaraan ka ah inuu xoolo muslim kale uu xoogo ama xalaaleysto: Isbaaradii waxay u bedeleen “khidmatul amni“; Xooggii iyo boobkii waxay u bedeleen “khidmatul jihaad”; bililiqadii waxay u bedeleen “Qanimo” (Subxaanalaah), waxaana sugaaya ( يوم لاتملك نفس لنفس شيئا والامر يومئذ لله Yowmu laa tamliku nafsun linafsin, wal amru yowmaidin Lilaahi).

War Soomaaliyey Sallaankii ka dhacnayoo weynu aragnaaye, sidan meysku dhaannaa?,

Shir meysugu nimaadnaa? dadnimo meyska baadhnaa?,

Daneheenna ma ka tashanaa?

Dan guud meysku raacnaa?, dalkeenna ma ceshanaa?,

Raxmad Eebbe lagama quustee Alle bariga ma badinaa?,

You might also like More from author

Comments are closed.