Aqoonyahan C/raxmaan”Waxaan cod dheer ugu sheegayaa oo aan dhayaaa diida ansixinta”

0 89

Muqdisho(INO)-Aqoonyahan C/raxmaan Iidow oo ka mid ah aqoon yahanada somaliyeed oo wareysi siinayey idaacada danan ee magaalada muqdisho, ayaa waxa uu cod dheer oo baaq ah waxa uu u jeediyey  xildhibaanada golaha shacabka ee dowlada somaliya .

News_live

Aqoonyahan C/raxmaan Iidow ayaa waxa uu ugu baaqay xildhibaanada in aysan ansixin golaha waziirada ee xukuumada Cumar C/rashiid Cali Sharmaake asagoona sheegay in sharci daro lagu soo dhisay golahaasi waziirada waxa uuna xildhibaanada baarlamaanka dalka uu ku sheegay in ay yihiin kuwa lacag ku shubo ah loona baahan yahay in ay ka biyo diidaan ansixinta golahaasi waziirada ee xukuumada Somalia.

“Waxaan cod dheer ugu sheegayaa oo aan dhahayaa diida baarlamaankow  ansixin xukuumada cusub maadaama golaha wasiirada ay ku dhisan yihiin cadaalad daro” ayuu yir Aqoonyahan C/raxmaan

 

Dhawaan ayey aheyd markii Cumar C/rashiid Cali Sharmaake uu soo magacabay golihiisa waziirada waxana arintaasi dhaliilaayey mas,uuliyiin waxgarad iyo bulshada somaliyeed iyagoona ku shegayey in aan lagu soo dhisin sida uu sharciga qabo.

Idale News Online, Muqdisho.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.