Dhageyso:Ugaas Maxamuud Ugaas Nuur Weerar Afka Ahi Ku Qaadey DF Soomaaliya“Baydhaba Wixii Ka Dhaca Dowladda Ayaa Mas’uul Ka Ah”

0 85

Baydhabo(INO)-Afhayeenka maamulkii Madoobe Nuunoow Maxamed ayaa sheegay in magaalada Baydhaba wixii ka dhaca ay mas’uul ka noqon doonto dowladda Federaalka ee Soomaaliya.

Ugaas Nuur

Afhayeenkaan oo lagu magacaabo Ugaas Maxamuud Ugaas Nuur oo u waramay Warbaahinta ayaa sheegay in laga baxay heshiis ay la gaareen maamulka Koonfur Galbeed.

Waxa uu sheegay in maamulkoodii loo balan qaaday in lasiiyo madaxweyne ku xigeen, gudoomiyaha Baarlamaanka, qaar ka mid ah wasiirada Koonfur Galbeed sidaasna ay awood qeybsi ku noqoto.

Halkan Ka Dhageyso Codka Ugaas Nuur.

Dowladda Federaalka ayuu ku eedeeyay waxa ka socda magaalada Baydhaba in iyadu mas’uul ka tahay sidaas darteedna wixii ka dhaca magaaladaasi ay dowladda mas’uuliyadeeda leedahay.

Ugaas Maxamuud dhanka kale sheegay in ay iyagu dhankooda ka laabteen wax walba oo lagu heshiiyay, wixii maanta ka dambeeyana maamulkooda uu yahay midka saxda ah, sidiisana uu u jiro.

Idale News Online, Baydhabo.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.