RW Soomaaliya oo Baarlamaanka Weydiistay in Dib Loogu Dhigo Waqtiga Cod Qaadista

81

Muqdisho (INO) – Kulankii Baarlamaanka ee Maanta waxaa Joogay Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid, kaasoo Mudaneyaasha Baarlamaanka ka Codsaday in Dib loogu dhigo Waqtiga loo qaadayo Xukuumaddiisa Codka Kalsoonida.

Cumar-Cabdirashiid-Cali-Sharmaarke

Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa sheegay in aysan Suura geli karin Waqtiga uu Ra’iisul Wasaaruhu Codsaday, waxaana loo sheegay in uu Sabtiga la Yimaado Qorshahiisa iyo Xubnaha Wasiirrada.

Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa waxaa uu shaaca ka qaaday in uu Hirgalay Go’ankii Baarlamanku ay Horay usoo Saareen ee ahaa in 17-ka Bishan uu Baarlamaanka Hortago Ra’iisul Wasaare Cumar iyo Xubnihiisa uu soo Doortay.

Idale News,Online  Muqdisho.

You might also like More from author

Comments are closed.