Dhageyso Xildhibaano yiri “Waa Nasiib daro in kooxdii caadeysatey ridistii R/Wasaarayaasha in R/W Cumar C/rashiid yiraahdo waxa looga maarmi waayey shaqadii quruxda badneyd ay soo qabteen”

0 126

Xildhibaano gaaraayey 93 xildhibaan oo la magacbaxey golaha badbaada qaranka oo manta kulan ku yeeshlay magaalada Muqdisho ayaa fariin culus u diray R/Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaake, iyagoo sheegay in xukuumadiisa aysan siin doonin codka kalsoonida barlamaanka.

Xildhibaanda oo shirkoodii jaraa’id ee manta nasiib daro ku tilmaamey hadalkii uu R/Wasaare Cumar C.rashid Cali Sharmaake siiyey saxaafada kaasoo xubnaha looga digey in xukuumadiisa uusan ku soo darey ku tilmaamey in ay yihiin rag looga maarmi waayey shaqadii wanaagsaneyd ee muddada labada sano aheyd uu dowladaan ay jirtay.

barlamaanka

Dowlada uu Madaxwynaha ka yahay Xasan Sheikh Maxamuud ayaa noqotey dowladii Somali soo marta ebed oo khilaafka iyo isqabqabsiga badneyd. taasoo khilaafka ay gudaha dalka ka abuurtey ka sakow qurbajoogtii dalka nabadgelyo xumada uga soo tagtey ay dhex dhigtay khilaaf iyo kala qeybsanaan weyn.

Dadka Soomaaliyeed ayaa is weydiinaaya in la yaabo in xukuumadda sidaan barlamaanka iyo shacabka Soomaaliyeed iyobeesha caalmaka uga hor yimaadeen in ay hesho codka kalsoonida Soomaaliya???

Idale News Online Mogadishu,

 

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.