Jawaari oo safar 4 cisho ah Itoobiya ugu kicitimi doona si uu ugu baaqsado kulanka ansixinta xukuumada cusub oo maalinta Sabtida loo balamey

0 96

Muqdisho(INO)-Gudoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya Maxamed Cismaan Jawaari ayaa lagu wadaa inuu safar ugu kictimo magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, halkaas howlo shaqo oo qaadan doonta muddo 4 cisho ah ku tagi doona.

Safarka gudoomiyaha barlamaanka Jawaari ayaa ku soo aadey xili xaalal siyaasadeed oo aad u ba’an ay ka dhex aloosan tahay golayaasha dowlada dhexdooda taasoo ka dhalatey ka dib markii Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaake dhisey dowlad hal dhinac ah oo ay si aad ah uga caroodeen inta badan xubnaha barlamaanka oo ay ku jiraan gudoonka Sare ee Barlamaanka.

jawaariBay0

Dadka Siyaasada gorfeeya ayaa safarka Jawaari ku tagaayo Addis Ababa ku macneeyey inuu doonaayo in uu ka waji qarsado fowdo ka dhalata kulanka maalinta sabtida loo balansan yahay ee Madaxweyne Xasan Sheikh iyo Wasiirkiisa 1aad Cumar C/rashiid ay codka kalsoonida ugu raadinayaan xukuumada ay soo dhiseen oo u badan kooxda Dam-Jadiid ee Madaxweyne Xasan Sheikh ka tirsan yahay.

Haddii Gudoomiye Jawaari ka baaqsado kulanka maalinta sabtida ka dhici doonta Barlamaanka ee xubnaha golaha cusub codka kalsoonida loogu raadinaayo, waxaa dhici karto in ay guddoomiyaha 2aad ee barlamaanka Mahad Cawad oo isugu ka mid ah golaha badbaadada Qaranka ee shir gudoomiyo. Waxaana dhici karto in Madaxweynaha iyo R/Wasaaruhu ay dib u dhigaan cod u qaadista xukuumada cusub ilaa soo noqodka gudoomiyaha Barlamaanka Jawaari  cabsi ay ka qabaan in Gudoomiye Mahad Cawad sharciga la tiigsado.

Idale News Online.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.