Dhageyso:Maamulka Degmada Tiyeegloow Ee Gobolka Bakool oo ciidamo Dheerad ah Dalbaday

0 83

Tiyeeglow(INO)-Maamulka Degmada Tiyeegloow ee Gobolka Bakool ayaa codsaday ciidamo dheeraad ah in la geeyo Gobolkaasi si ciidankaasi ay uga qayb-qaataan dagaalada Shabaab Gobolkaasi looga saaraayo.

tiyeeglow (1)

Cali Cabdi Iimaan oo ah Guddoomiye kuxigeenka Degmada Tiyeegloow, ayaa u sheegay Warbaahinta  in ciidamada jooga Gobolka ay yihiin kuwa yar oo aan ku filneyn gulufka dagaal ee Shabaab lagu wajahaayo.

Wuxuu kaloo sheegay in qorshahooda uu yahay inay Shabaab ka saaraan deeganada Gobolka ay ka joogaan, iyo inay furaan wadooyinka Shabaab ay go’doomiyeen.

Halkan Ka Dhageyso.

Al Shabaab ayaa muddo afar bilood ah go’doon geliyay Magaalada Tiyeegloow oo waxaa Magaalada ay udiideen inay galaan wax sahay ah.

Idale News Online, Tiyeeglow.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.