Dhageyso:Howlgalka Badweynta Hindiya Wajigiisa 2-aad oo Shabeellaha hoose ka bilaabanaya

0 68

Baraawe(INO)-Maamulka Gobolka Shabeellaha hoose ayaa shaaca ka dhigay in la qaadaayo howlgalka Badweynta Hindiya Wajigiisa labaad, xilli howlgalkaasi uu hakad ku jiray muddooyinkaan dambe.

siidii

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha hoose C/qaadir Siidii oo la hadlay Idaacada Risaala ee Magaalada Muqdisho, ayaa wuxuu sheegay in ciidamada ay iminka kuguda jiraan diyaargaroow ka dhan ah qaadista howlgalkaasi.

Halkan Ka Dhageyso.

Wuxuu sheegay inuu dhamaaday cafiskii Madaxweynaha Soomaaliya uu ufidiyay xubnaha Shabaabka ka tirsan ee Gobolkaasi ku sugan, sidaasi awgeedna hada howlgalka uu bilaabanaayo.

“Cafiskii Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka wuu dhamaaday, ciidamada waxa ay qaadayaan howlgal ka dhan ah Shabaabka ku sugan Gobolka, iskoobihii ayaan hada qaadaneynaa oo waan xaaqeynaa, nimankaan hada waa eber tabar malahan diyaaradaha daroonka Mareykanka ayaaba laayay oo duurka ku dhameeyay”Ayuu yiri Siidii oo la hadlay Risaala.

 Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha hoose C/qaadir Maxamed Nuur “Siidii” ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada huwanta ay si toos ah u wajahayaan deeganada Shabaab ay Gobolka ka joogaan.

Howlgalka Badweynta Hindiya wajigiisii koowaad ciidamada dowladda waxaa ugu suuragashay inay la wareegaan deegaano badan oo Gobolkaasi ka tirsan oo ay ugu weyn tahay Magaalada Marsada leh ee Baraawe.

Idale News Online, Baraawe.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.