Dhageyso: Proff.Axmed Ismaaciil Samatar “Xaq Ayaan u Leeyahay In Damac Uu Iga Galo Madaxtinimada Somaliland”

0 98

Hargeysa(INO)-Professor Axmed Ismaaciil Samatar ayaa cadeeyay in uu rajeynayo inuu qabto hogaanka maamulka Somaliland, isaga oo sheegay in taasi xaq uu u leeyahay.

samatar

Samatar oo ka hadlay arimo badan ayaa sheegay in inuu noqdo hogaanka Somaliland ay ku xiran  tahay kaliya xisbiyada hadda ka jira maamulkaasi sida ay u ogolaadaan iyo sidoo kale in kalsooni buuxda dhankooda uu ka helo.

Xisbi ayuu sheegay in xilligaan aanu isagu sameyn karin, laakiinse madaxda xisbiyada ayuu amarka dambe tilmaamay in ay u taallo, soona jeediyaan wadooyin lagu sii dhaqaajin karo horumarka Somaliland.

Halkan Ka Dhageyso.

Dhanka kale Professor Axmed Ismaaciil Samatar ayaa soo hadal qaaday hadalo waayadaan dambe kusoo batay deegaanada maamulka Somaliland, taasi oo ku aadan in siyaasiinta iyo odayaasha usii kala qeybsamayaan qaab qabiil.

Qabiilka waxa uu tilmaamay Samatar in deegaanada Somaliland iyo maamulka halkaasi ka jiro uu u keeni karo bur bur, isaga oo maamulka halkaasi ka jira kula taliyay in dadka oo dhan ay si isku mid ah u maamulaan.

Dhawaan ayaa Sulaan ka soo jeeda gobalka Awdal uu ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Somaliland waxaana isaga iyo ciidamo uu wato ay galeen buuraha gobalkaasi.

Idale News Online, Hargeysa.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.