Dhageyso:Maxamuud Sayid Aadan Oo Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Ku Dhaliilay Qaabka Uu Usoo Dhisay Xukuumadiisa

0 120

Gedo(INO)-Xildhibaan Hore Maxamuud Sayid Aadan, marna soo noqday madaxweyne ku xigeenka maamulkii Lixda gobalk ee Madoobe Nuunoow ayaa Ra’iisul wasaaraha xukuumada dalka Cumar Cabdirashiid ku dhaliilay qaabkii uu usoo dhisay xukuumadiisa.

Nuunow

Waxa uu sheegay in ay la yaabeen markii ay arkeen qaabka wasiirada loo soo magacaabay, islamarkaana waxa uu tilmaamay in isaga iyo siyaasiin kale kulan ay yeesheen ay aad uga soo horjeesteen wasiiradaan.

War-saxaafadeed buuxa kuna wajahan dowladda Federaalka Soomaaliya ayuu sheegay in maanta ay soo saari doonaan, islamarkaana ay aad uga xunyihiin qaabka beeshooda wax loogu qeybiyay.

Halkan Ka Dhageyso.

Ka beel ahaan ayuu sheegay in xilligaan aanay ka mid ahayn xukuumada cusub ee habeen ka hor uu soo magacaabay Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid.

Shalay magaalada Muqdisho waxaa kulan ku yeeshay xildhibaanada ku bahoobay golaha Badbaadinta Qaranka, waxaana ay sheegeen in marnaba aysan meel marin doonin xukuumada cusub ee lasoo dhisay.

Idale News Online, Gedo.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.