Dhageyso:Waxgarad Kasoo Horjeestay Shirweyne Uu Ku Baaqay Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya

0 82

Muqdisho(INO)-Waxgarad kasoo jeeda gobalka Shabeelaha Hoose ayaa kasoo horjeestay shirweyne dhawaan uu ku baaqay Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, kaa oo dhawaan la qaban doono.

wargarad

Kulan ay isugu yimaadeen Waxgaradkaan ayaa waxay sheegeen in marnaba aysan ka qeyb gali doonin shirweynahaan dib u heshiisiinta iyo wada hadal intaba.

Halkan Ka Dhageyso.

Suldaan Cabdi Cali Abuukar oo ah Afhayeen u hadlay Waxgaradkaan kulmay ayaa u sheegay Warbaahinta , in ay isku raaceen ka waxgarad ahaan in marnaba aysan ogolaan ka qeybgalka shirkaasi.

Afhayeenka ayaa sheegay in marka hore loo baahnaa in dadka ay ka go’do talada gobalka Shabeelaha Hoose wada hadal lala galo kahor inta aan shirweynahaan la gaarin.

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa sheegay in dhawaan uu dhici doono shirweyne lagu heshiisiinayo dhamaan dadka wada dega gobalka Bay, Bakool iyo Shabeelaha Hoose.

Idale News Online, Muqdisho.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.