Daawo: Xafiiska Siyaasada QM Ee UNSOM oo shaaciyey Inuu garab taagan yahay Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya

0 76

Baydhabo(INO)-Waxaa maanta magaalada Baydhabo  Janaay ee xarunta gobolka Bay ku kulmay wasiirada Dowlada Koonfur  galbeed Soomaaliya iyo xubno ka socday xafiiska Qaramada Midoobay Ee Soomaaliya (UNSOM),kuwaasi oo ka wada hadlay sidii xafiiska UNSOM uu u taageeri lahaa maamulka, sida uu sheegay wasiirka warfaafinta Dowlada  Koonfur Galbeed, Soomaaliya, Xasan Cabdi Maxamed oo warbaahinta la hadlay.

UNISOM
Wasiirka warfaafinta maamulka Koonfur galbered Soomaaliya ayaa wuxuu tilmaamay in xafiiska UNSOM uu ballan qaaday inuu gacan ka geysanayo sidii gargaar loo gaarsiin lahaa dadka tabaalaysan ee ku nool deegaannada maamulka.

Halkan Ka Daawo Video.

Wuxuu hadalkiisa intaasi ku daray Xasan Cabdi Maxamed in mas’uuliyiin ka tirsan maamulka dhawaan booqan doonaan deegaano ka tirsan maamulka si ay ugu kuur galaan xaalada nololeed iyo mid amnida ee dadka ay ku sugan yihiin.

Madaxweynaha maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheikh Aadan ayaa dhawaan magacaabay wasiirada maamulkiisa,waana kulankii ugu horeeyay ay la yeeshaan wafuud caalami ah oo gaartay Baydhabo.

Idale News Online, Xafiiska Baydhabo, Somalia.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.