Xildhibaano Ka Soojeeda KG Soomaaliya Oo Diyaarinayo Mooshin Ka Dhanka Ah Proff. Maxamed Cismaan Jawaari+ Sababtu Maxay Tahay?

0 120

Muqdisho(INO)-Xildhibanno taageersan madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa Muqdisho ka bilaabay qorista mooshin laga keenayo Guddoomiyaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Jawaari

Mooshinkan ayaa waxaa hormuud u ah Ibraahim Isaaq Yarow oo ah sii-hayaha wasiir ku xigeenka Amaniga, waxayna wararku sheegayaan inay ilaa hadda is qoreen in ka badan 30 xildhibaan si xilka looga qaado Prof. Jawaari oo ay ku eedeynayaan arrimo kala duwan oo ay ka mid tahay ku takrifal awoodeed, iyadoo looga baahan yahay 92 xubnood inay gaaraan tirada mooshin ka keeni karta guddoomiyaha Baarlamaanka.

Ujeedada mooshinkan ayaa ah in khalkhal lagu geliyo guddoonka Baarlamaanka, wuxuuna salka ku hayaa loolanka ka taagan xubnaha beelaha Digil & Mirifle uga mid noqonaya Golaha wasiirada oo Prof. Jawaari ka biyo diiday inay ka mid noqdaan xubnihii hore ee beelahaasi uga mid ahaa golaha wasiirada.

Ibraahim Yarow iyo Khaalid Cumar Cali oo u dhow Shariif Xasan ayaa si weyn uga carooday sida uu wax u wado Guddoomiyaha Baarlamaanka oo wacad ku maray inaysan xukuumadda cusub ka mid noqon doonin labadaasi xubnood iyo qaar kale oo uu watay Shariif Xasan.

Waxaa laga deyrinayaa in mooshin noocan oo kale ah xiligan socon karo, iyadoo ay muuqato inay dhibaato tahay sidii tiro mooshinka ku filan loo heli lahaa, mar haddii arrinta ka dambeysa tahay mid beeleed iyo xubno wasiirnimada doonaya inay isaga soo laabtaan mar waliba.

Idale News Online, Muqdisho.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.