Dhageyso: Afhayeenka Odayaasha Koonfur Galbeed oo Sheegay In Koofur Galbeed Ay Ku Midoobeen Hal Maamul oo Sadex Gobol ah

83

Baydhabo(INO)-Afhayeenka odayaasha Koonfur Galbeed ayaa sheegay in aysan jirin shuruudo ay soo bandhigeen maamulkii lixda gobal ee Madoobe Nuunow.

shirka-baydhaba

Malaaq Cali Cabdiraxmaan Shiino ayaa carabka ku adkeeyay in laga heshiiyay lix gobal iyo seddex gobal oo iminka la isku raacay maamulka Koonfur Galbeed ee Shariif Xasan.

Dhawaan ayay shaaciyeen masuuliyiin ka tirsan maamulkii Madoobe Nuunow in uu ballanta kaga baxay madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Maalaqa ayaa intaa ku daray in Koofur Galbeed ay diyaar u tahay in ay hor u mar hiigsato iyo la shaqeynta dowladda Federaalka.

Malaaq Cali Cabdiraxmaan Shiino ayaa ugu baaqay sidoo kale beelaha Soomaaliyeed in ay nabad raadiyaan.

Wareysiga Malaaq Cali Cabdiraxmaan Shiino halkan ka Dhageyso.

Idale News Online, Baydhabo.

You might also like More from author

Comments are closed.