Dhageyso: Madaxweyne Xasan oo Xaley Fariin Usoo diray Shacabka Muqdisho

0 132

Muqdisho(INO)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si rasmi ah u shaaciyay in maalinta beri ah uu magaalada Muqdisho uu ka furmi doono shirka Wasiirada Arrimaha dibadda ee urur goboleedka IGAD kaas oo Soomaaliya ay martigelinayso sanadkan.

Madaxweyne-Xasan-512x264

Madaxweyne Xasan ayaa ugu baaqay dadka ku nool magaalada Muqdisho in ay ka qeyb qaataan soo dhoweynta Wufuuda imaanaysa magaalada Muqdisho, isagoo sidoo kalena sheegay in dadka Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay dul qaataan mudada uu shirka socodo kana qeyb qaataan xaqiijinta Amniga magaalada Muqdisho.

Halkan Ka Dhageyso.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa ku tilmaamay shirka IGAD ee lagu qabanaayo Muqdisho in ay tahay calaamad muujinaysa in Soomaaliya ay ku soo laabatay Wadada xasiloonida iyo horumarka maadaama shirar nuhiim ah lagu qabanaayo Soomaaliya.

Idale News Online, Muqdisho.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.