Madaxda Maamul Goboleedyada Jubba iyo Koonfur Galbeed oo Midowga Yurub Kula Kulmay Nairobi

0 109

Muqdisho(INO)-Madaxda Maamul Goboleedyada Koonfur Galbeed soomaaliya  iyo Jubbaland ayaa waxaa ay magaalada Nairobi ee Dalka kenya  kula Kulmeen Wakiillo ka Socda Midowga Yurub.

Madoobe-iyo-Shariif

Madaxweynaha Maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya shariif Xsan Shiikh Aadan iyo madaxweynaha Maamulka Kmg Jubba Axmed Maxamed Islaam Axmed madoobe ayaa  kulanka ay la qaateen Wakiilada ka socaday midowa Yurub ayaa waxaa u jeedkiisa lagu sheegay war Bixin ay gudbinayeen Madaxda Maamul goboleedyada soomaaliya oo ku Aadaan Xaaladda Deegaanada ay ka Arimiyaan.

Warar aan heleyno ayaa waxaa ay sheegaan in Masuuliyiinta Maamul Goboleedyada  soomaaliya ay Midowga Yurub ka Dalbadeen taageero Dhaqaale iyadoo Midowga Yurub na uu  u Balan qaaday in uu Taageero siinaayo.

Axmed Maxamed  Islaam Axmed Madoobe iyo Shariif xasan shiikh Aadan ayaa waxaa ay ku sugan yihiin magaaalada Nairobi Ee Dalka kenya Halkaasi oo ay kulamo Gooni Gooni ah  wakiillo ka socda Wadamada caalamka ee Daneeya Arimaha Soomaaliya.

Idale News Online, Nairobi.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.