Daawo Sawiradda: Jaamacada Jubbada Sare Ee Baydhabo Oo Makii Ugu Horeysey Gudoonsiyey Ardeyda Shahaado

0 124

Baydhabo(INO)-Jaamacada jubbada sare ama Upper jubba Ee Magaalada Baydhabo Janaay ayaa Ardey gudoonsiisey shahaado.

 Xaflada  Balaaran oo ay ka soo qiib galeen Dhamaan qiibaha Kala Gedisan Ee bulshada  ku dhaqan magaalada baydhabo, ayaa ka dhacdey gudaha jaamacaddaasi.

Waxaana Xaflaadasi soo xirey  Proff.  Fowz Abdi nuur  oo ah Gudoomiyaha aqoonyahnada koonfur Galbeed soomaaliya isagoo aad u amaaney Howsha Dar dargalinta warbashada  ay wado jaamacada Upper Jubba  oo dhawaan laga furey magaalada baydhabo janaay.

Jaamacada Jubbada Sare oo  bixiso labo kuliyadood oo kala ah Kuliyada xanaanada xoolaha iyo weliba kuliyada beeraha isla markaaana  laf dhabar u ah bulshada koonfur galbeed soomaaliya.

 Sidoo kale  jaamacadda jubbada sare waxay Beeraley badan ay  siisey, dhiira galin ku aadan tacbashada beeraha,tababaro  iyo weliba   Dhalinyarada waayey inay helaan jaamacad ayaa waxay siisey Fursado Aqoon korarsi.

 Ugu dambeyntii Jaamacadda jubbada Sare ayaa waxay ku guuleysatey sii wadesta iyo wacyaglinta bulshada koonfur galbeed somaaliya, kuwaasoo mudo qarniyo ah ku howlanaa dhaqashada xoolaha  iyo tacbashada beeraha.

Halkan Ka Daawo Sawiradda, Jaamacadda Upper jubba.

Idale News Online, Baydhabo.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.