Madaxweyne Xassan oo ka hadlay Arin inta badan Bulshada Soomaaliyeed ay sugayen in la ciribtiro

0 117

Muqdisho(INO)-Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa daboolka ka qaaday in Dowladiisu ay Sanadkaani qaadi doonto talaabooyin ad adag oo ay ku xakameyneyso Musuq-maasuqa baahay ee ka dhextaagan Xarumaha Dowlada iyo Hay ‘adaha.

xasan sheekh

Madaxaweynaha ayaa hadalkaasi sheegay Xilli uu Khudbad ka jeedinaayay munaasabad xalay ka dhacday magaalada Muqdisho oo lagu xusayay Aas aaska ciidamada Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya, ayaa waxa uu madaxweynaha aad ugu dheeraaday ka hadlay arimaha Musuq maasuqa ee inta badan laga cabanaayo.

Waxa uu tilmaamay Madaxweyne Xasan in wixii xilligaan ka dambeeya aan loo dulqaadan doonin musuqa iyo sidoo kale ku takri falka hantida dadweynaha, isaga oo sheegay in cid walba lala xisaabtamayo.

Nuqul kamid ah Khudbada Madaxweynaha Jamhuuriyada ayaa waxaa kamid ahaa“Sanadkan waa sanadkii la dagaalanka musuq maasuqa, wax dulqaad ah oo loo yeelanayo ma jirto, sanadkan 2015 lama ogolaan doono ku takri fal hantida qaranka, hadii ay dhul ahaan laheyd, ku takri fal xafiisyada dowladda iyo shaqaalaha”

Si kastaba ha ahaatee, inta uu Madaxweynaha ku howlanaa Khudbadiisa, ayaa waxa uu soo hadal qaaday arinta ku aadan shaqaalaha rayidka, waxaana uu Cadeeyay in Shaqooyinka Dowlada loogu kala horeyn doono Aqoonta iyo shahaadad uu qofka wato.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud in sanadkaan loo tartamayo shaqaalaha dowladda oo aysan dhici doonin dad si gaar ah loo keensaday ama wax la mid ah.

Idale News Online, Muqdisho.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.