Dhageyso: Wariyeyaal lasii Daayay & Radio Risaala Oo dib loo Daaray

0 124

Muqdisho(INO)-Wariyeyaal ka Tirsanaa Idaacadda Risaala oo Dowladda u Xirnaa ku dhowaad Todobaad ayaa dib Maanta loo soo Daayay, qaarkood.

Agaasimiha Idaacaddaas Maxamed C/wahaab C/llahi iyo Tifaftiraha Maxamed Kaafi, waxaana weli Xabsiga ku jira oo Su’aalo Weydiin ay ku socotaa Maxamed Cabdi Cali oo ka Tirsan Idaacadda Risaala.

Wariyeyaashaas iyo Idaacaddoodaba Maalin Qura ayey Ciidamo ka Tirsan Nabad Sugidda Qaranku xireen, sidoo kale waxaa Maanta loo Ogolaaday Maamulka Idaacadda in ay dib u Daari karaan Radio Risaala.

radio risaaala

Wariyeyaashaas ayaa loo Xiray in ay Idaacadda ka Baahiyeen war aaney Soomaalidu Jecleysan oo ahaa in Cudurka Ebola uu soo Galay Soomaaliya.

Halkan Ka Dhageyso.

 

Tifaftiraha Wararka Idaacadda Risaala ayaa la Hadlay Mustaqbal waxaana uu sheegay in uu aad ugu Faraxsanyahay in dib loo sii daayo, loona Ogolaado in ay idaacaddooda dib u shitaan, waxaana uu Rajo wanaagsan u Muujiyay wariyaha weli ka Xiran.

Idale News Online, Muqdisho.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.