Kooxda Islaamiga Ee Al-shabaab oo Gaadiid Ganacsi ku Gubay Gobolka Bay

107

Goofgaduud (INO) – Al-shabaab ayaa lagu soo Waramayaa in ay Gaadood Ganacsi oo ay lahaayeen Ganacsato Soomaaliyeed ku Gubeen Deegaan Hoostaga Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay.

homy

Al-shabaab waxaa ay Wadada u Galeen Gaadiidka Xilli ay marayeen meel aan sidaa uga Fogeyn Goofgaduud oo Baydhabo Hoostaga.

Waxaa la sii daayay Ganacsatadii, waxaana la sheegayaa in Gaadiidkaas laga helay Jaad sida Al-shabaab ay sheegeen, hadiise ay kaliya sidi lahaayeen Raashin in ay sii deyn lahaayeen.

Al-shabaab ayaa waxaa ay Go’doomin ku hayaan qeybo ka mid ah Gobolka Bakool, dhanka Bay ayey isku deyayaan sidoo kale in ay Cunaqabateeyaan dadkeeda.

Idale News Online, Goofgaduud.

You might also like More from author

Comments are closed.