Dhageyso: Beeraleyda Gobalada Bay Iyo Bakool Oo Cabasho Ka Muujiyay Cayayaan Dhibaato ku haya Beerahood

0 157

Baydhabo(INO)-Beeraleyda gobalada Bay iyo Bakool ayaa cabasho waxa ay ka muujiyeen cayayaan ay sheegeen in dhibaato ku hayo dalaga beerahooda.

beeraha_mandheera-nuur_cali_faarax

Qaar ka mid ah beeraleydaan oo tababar xagga abuurka beeraha ah ku qaadanaya magaalada Baydhaba ayaa sheegay in xilligaan cayayaan badan uu baabi’inayo beerahooda.

Wasaaradda beeraha xukuumada Soomaaliya ayeey si wadajir ah ugu baaqeen in ay wax ka qabtaan cabashadaan ay gubinayaan si dalagooda uu u noqdo mid ka badbaada cayayaankan.

Ma haysano wax aan isaga difaacno cayayaankaan, waxaana dhibaatada ugu daran ay tahay in dalagii uu naga baabi’inayo, sidaa darteed waxaan ugu baaqaynaa maamulka Koonfur Galbeed iyo wasaaradda beeraha dowladda Federaalka in naloo keeno qalab aan kula dagaalanno cayayaanka” sidaasi waxaa inoo sheegay mid ka mid ah Beeraleydaan.

Beeraleyda Soomaaliyeed ayaa inta badan cabasho ka muujiya cayayaan dhibaato u geysta dalagooda.

Halkan Ka Dhageyso  Warbixin uu Ku Soo Direy  Baydhabo Janaay Wariyaheena Aadan Geesey.

Idale News Online, Xafiiksa Baydhabo.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.