Wasiiro Arima Dibadeedka Urur Goboleedka IGAD oo Muqdisho ku Kulmaya

0 81

Muqdisho(INO)-Shirka Wasiirrada Arimaha Dibadda ee Wadamada ku jira Urur Goboleedka IGAD ayaa ka dhacaya Bishan Magaalo aan 24 sano Marti Gelin Isagoo kale.

WASIIRO

Muqdisho ayaa waxaa Maalinta Berri ah 09 January 2015, lagu wadaa in uu ka dhaco Shirka Wisiirrada Arimaha Dibadda ee Wadamada ku jira Urur Goboleedka IGAD, muddo dheerna Muqdisho ma aysan Qaban shir Caalami ah.

Wasiirrada Arimaha Dibadda ee Dalalka, Djibouti, Eritrea, Ethiopia, Kenya, Somalia, South Sudan, Sudan iyo Uganda ayaa isugu Imaanaya Magaalada Muqdiho oo ay tahay Markii ugu Horreysay ee Madax la heer ah kuwan ay ku shiraan Caasimadda tan iyo 24-sano ka hor.

Amaanka Caasimadda ayaa aad loo Adkeeyay, waxaana Ciidamada Dowladdu ay Bilaabeen in ay Wadooyinka qaar Xiraan Gaadiidka Gaarka loo leeyahayna ay su’aalo weydiinayaan.

Idale  News Online, Muqdisho.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.