Dhageyso:Wasiirka Beeraha Iyo Waraabka Maamulka Koonfur Galbeed Oo Ka Hadlay Arimo Badan.

0 148

Baydhabo(INO)-Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Maamul goboleedka Koonfur Galbeed mudane Maxamed Xasan Fiqi oo wareysi dhinacyo badan taabanayo siinayey  Warbaahinta KG Soomaaliya ayaa sheegay inaysan waxba ka jirin wararka sheegayo in qabqable Yuusuf Indhacadde loo wado inuu qabto jagada Madaxweyne kuxigeenka Koonfur Galbeed Somalia.

FIQI

Maxamed Xasan Fiqi oo hadalkiisa sii wato ayaa sheegay in Madaxweyne Kuxigeenka 1-aad ee maamulka Koonfur Galbeed ay iska leeyihiin sida lagu heshiiyey  reer Sh/hoose gaar ahaa beesha Biimaal uu oo isaga ka soo jeedo.

Wasiirka ayaa sidoo kale waxa uu ka hadlay dadaalada la doonayo in la isugu soo dhaweeyo Qab qablayaal matalaya maleeshiyada dhibaatada ka haaya gobolka shabeelada hoose  iyo Beesha  Biimaal ayaa waxa uu yiri “ma ahan wax la ogolaanayno iyadoo lagu jiro dhulkii la qabsaday in fadhi uu dhaco mana suuroobeyso” ayuu yiri Mudane Fiqi.

Halkan Ka Dhageyso.

waxan rabaa dadka inaan u sheego wasaarada hada aan ku magacaabanahay ma ahan wax ku yimid talo iyo wax la mid laakiin anigaa gartay in jagadaas aan qabto waana rabitaankay wayna garan kartaa cid kasta oo garaad ah” ayuu hadlkiisa sii raaciyey Wasiirka Wasaarada Beeraha iyo Waraabka ee Maamulak K/galbeed.

Fiqi oo hadalkiisa sii wato ayaa ku booriyey dadka Sh/hoose ee ku labalabooday qaabka loo qaybiyey golaha wasiirada Koonfur Galbeed inay is dejiyaan, wuxuuna sheegay in 6 bilood gudahooda dib u habeyn lagu sameyn doono waxyaabaha qaldan.

Idale News Online, Baydhabo.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.