Paris(INO)-Ugu yaraan illaa 12 ruux ayaa la xaqiijiyay in ay dhinteen  shan kalena ay ku dhaawacmeen kadib markii rag hubaysan ay weerar ku qaadeen xarun wargeys oo ku taala magaalada Paris ee xarynta dalkaasi.

Wargeyska ayaa la sheegay inuu wax u qori jiray hab maadeys ah Charlie hebdo, iyadoona la sheegay in raggaan hubaysani ay gudaha u galeen xarunta wargeyska dabadeedna ay illaa 50 xabadood rideen.

Nimankaan hubaysan ayaa lagu soo waramay in ay dhismaha wargeyska gudaha u galeen saakay aroornimadii iyagoo adeegsanayay qoryaha fudud.

Ciidamada ammaanka dalka Faransiiska gaar ahaan kuwa caasimadda Paris ayaa lagu soo waramayaa in ay wadaan baaritaano ay ku sameynayaan ragii weerarka soo qaaday oo la sheegay in ay ku baxsadeen baabuur.

Lama yaqaano illaa iyo haatan kooxda weerarka soo qaadday.