Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo saameyn ku yeeshay dhismaha Wasiirada cusub

0 142

Muqdisho(SHL-NEWS)-Madaxweynaha dawlad gobaleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aaden oo cariif siyaasadeed oo si weyn looga yaqaano Soomaaliya, ayaa imika jooga magaalada Muqdisho ee caasumada Soomaaliya, wuxuuna saameyn badan ku yeelan doonaa dhismaha xubnaha golaha Wasiirada cusub ee dawladda Soomaaliya.

wasiirada

Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa shalay iyo xalay labo goor lakala kulmay Madaxweynaha dawladda Faderaalka ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Raysalwasaaraha Soomaaliya Omar Abdirashid Ali, lamina oga waxa ay ka wada hadleen, balse xaqiiqadu waxa ay tahay in uu doonayo in uu lug kuyeesho siyaasada Wasiirada cusub.

Shariifka ayaa doonaya in uu keensado xubnaha Xukuumada cusub ka soo galaya Baay, Bakool iyo Shabeelada Hoose, isla markaasna ay noqdaan kuwaasi saaxiibadiisa Siyaasadeed, oo uu gor gortan kula gali karo dawladda Faderaalka ee Soomaaliya.

Idale News Online, Muqdisho.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.