Madaxweyne Shariif Xasan&Faarax Cabdi Qaadir oo deg deg Muqdisho u yimid kadib isbedel ku yimid golaha wasiirada oo la isku hayo

0 115

Muqdisho(INO)-Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Sii-hayaha wasiirka Xanaanada Xoolaha Faarax Sheekh C/qaadir ayaa si degdeg ah Muqdisho ugu soo laabtay kadib isbedel ku yimid magacaabidda Golaha wasiirada cusub iyagoo ku kala mashquulsanaa arrimo u gaar ah.

sharifi_faarax-640x480

Madaxweyne Shariif Xasan ayaa shalay uun magacaabay golihiisa wasiirada laakiin waxaa xaalad adag uga soo furantay magaalada Muqdisho oo Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid diiday inuu wasiiro ka dhigo xubno ay soo magacaabeen madaxweynaha iyo saaxiibadiis.

Guddoonka Baarlamaanka, madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha ayaa mid waliba beesha uu ka soo jeedo loo xilsaaray inuu soo qoro wasiirada xukuumadda uga mid noqonaya.

Madaxweyne Shariif Xasan oo kaalin weyn ku lahaa ridistii xukuumadii hore isla markaana taageero ka heysta qaar badan oo kamida xildhibaanada beeshiisa ayaa loolan kala dhaxeeyaa Guddoomiyaha Baarlamaanka Prof Maxamed Sheekh Cusmaan oo ay siyaasad ahaan ka tafan tahay, waxaana dhibaato noqon doonta sidii ay isku mowqif u noqon lahaayeen.

Faarax Sheekh C/qaadir oo wafdigii madaxweynaha uga soo haray magaalada Qaahira arrimo qoys dartood ayaa isna shalay degdeg u yimid Muqdisho, kadib markii uu fashilmay liiskii uu hore u qoray, wuxuuna hadda ku qasban yahay inuu talo la wadaago guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka Jeylaani Nuur Iikar si ay isula xulaan xubno la isku raacsan yahay oo beesha Shanaad uga mid noqda Golaha wasiirada cusub.

Idale News Online, Muqdisho.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.