Dhageyso: Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya oo Amniga u Saartey Guddi Wasiiro Ah

0 106

Baydhabo(INO)-Waxaa magaalada Baydhabo kasii socda kulamada ay yeelanayaan wasiirada maamulka Koonfur Galbeed ee dhawaanta la dhisey, kulankii maanta oo ka dhacay hoolka shirarka Baydhabo ayaa waxaa diirada lagu saaray sidii loo samayn lahaa gudi heer wasiiro ah oo wasiirka amniga kala shaqeeyana arrimaha xasilinta ammaanka.

 

 

Waxaa kale oo wasiirada oo midmid u hadlay ay sharaxeen qorshe hawleedka wasaaradaha loo magacaabay iyo hiigsiga wasaaradda.

Ugaas Xasan Cabdi Maxamed oo ah wasiirka warfaafinta ayaa warfidiyeenada u sheegey in kulamada ay sii socon doonaan, shaqana la dardar galin doono.

Halkan Ka Dhageyso Warbixinta Wariyaheenka Aadan Geesey Baydhabo Ka Soo Direy.

DSC03776DSC03779Idale News Online

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.