Suldaan Ibrahim Cali Xaaji: Waa Suura gal In Indhacade Loo Magacaabo Madaxweyne Ku Xigeenka Koonfur Galbeed

0 110

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Madaxweynaha K.Galbeed uu wado qorshe ah in Yusuf Indhacade uu u magacaabo madaxweyne ku xigeenka K.Galbeed.

Warkan ayaan ka soo xiganay mid ka mid ah salaadiinta Sh.Hoose oo aad uga agdhow Madaxweyne Shariif Xasan.

indhacade1

Ibrahim Cali Xaaji oo ka mid ah Salaadiinta Sh.Hoose ayaa sheegay in ay jiraan qorshe madaxweyne ku xigeenka K.galbeed loogu magacaabayo Yusuf Indhacade laakiin uusan ahayn mid la hubo in uu hirgalayo.

Waxa uu sheegay in beesha uu ka soo jeedo Indhacade oo ay horay balamo adag u galeen Shariif Xasan, taageero dhinaca siyaasada iyo mid maaliyeedna ku bixiyay in uu noqdo madaxweynaha K.Galbeed ay cadaadis badan ku saareyso arintaas.

Mar aan weydiinay Suldaanka balamaha ay wada galeen beesha Indhacade iyo Madaxweyne Shariif Xasan ayaa ka gaabsaday in uu tafaasiil ka bixiyo balse waxa uu cadeeyay in ay beesha indhacade ay dooneyso in asiga waa indhacade laga dhigo M.Ku xigeenka K.Galbeed balse ay culeysyo kale saaran yihiin Shariif Xasan, oo hadda aan la dhihi karin waa ay dhaqan galeysaa.

Hadalka Suldaanka ayaa imaanaya maalin kadib markii uu madaxweynaha K.Galbeed uu magacaabay gole ka kooban 20 wasiir kuwaas oo muran xoog leh dhaliyay, ayna ka mid yihiin qab-qablayaal dagaal hore, sida Cabdullahi Sh.Xasan.

Idale News Online, Baydhabo.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.