Wariyeyaasha Radio Shabelle Ee Magaalada Muqdisho oo Maxkamadooda dib loo dhigay

0 198

Wariyeyaal ka Tirsan Idaacadda Shabelle ayaa Maanta Maxkamaddooda dib loo dhigay kedib Markii sida la sheegay la Waayay Qareenadii u Doodi lahaa.

wariyaal xiran

Maxdamadda Gobolka Banaadir ayaa Joojisay Maanta Maxkamadeynta Wariyeyaal Afar ah oo ka tirsan Idaacadaha Shabelle iyo SKY ee Muqdisho, kuwaas oo Maanta la Filaya in ay Caddaaladda wajahaan.

Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka, Xaashi Cilmi Nuur ayaa shaaca ka qaaday in Maxkamadeynta Wariyeyaasha dib loo dhigay Xilli aan Cayimneyn.

Milkiilaha Idaacadda Shabeele, C/maalik Yuusuf Maxamuud, Axmed Cabdi Xasan War soo saare ka Tirsan Shabelle, Maxamed Bashiir Xaashi, Madaxa Wararka ee Idaacaddaas iyo Maxamuud Carab Agaasimaha Idaacadda Sky ayaa ah Afarta Wariye ee Maanta Maxkamadda hortegay ee aan helin Cadaaladda.

Idale News Online, Muqdisho.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.