Dhageyso: Saraakiisha Gobolka bakool oo sheegay in Shabaab badan ay dagaal ku dileen Ciidanku

0 136

Waajid(INO)-Maamulka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Degmada Waajid ee Gobolka Bakool, ayaa guulo ka sheegtay dagaal ka dhacay Degmadaasi oo udhaxeeyay ciidamada Ethiopia iyo kuwa Dowladda oo isku dhinac ah iyo Xoogaga Shabaab.

ciidanka Raxanweyn.

Dagaalkaan ayaa wuxuu yimid, kadib markii ciidamada Shabaab ay weerar dhowr jiho ah ku qaadeen fariisin ciidamada Milateriga Ethiopia ay ku leeyihiin dhanka Bari ee Magaalada Waajid ee Gobolkaasi.

Guddoomiyaha Degmada Waajid C/laahi Aadan ayaa sheegay in ciidamada Ethiopia iyo kuwa Dowladda ay guulo ka gaareen dagaalkaasi, islamarkaana ay si adag isaga caabiyeen Shabaabka weerarka soo qaaday.

Halkan Ka Dhageyso.

Wuxuu sheegay inay halkaasi ku dileen 4-kamid ah ciidamadii Ururka Shabaab ee weerarka soo qaaday oo uu tilmaamay in xitaa ay ka carareen meydka askarta dagaalka looga dilay.

C/laahi Aadan ayaa intaasi warkiisa wuxuu ku daray in ciidamada dowladda ay qabsadeen labo qori oo nooca Soomaalida ay u taqaan Dabajeexa iyo labo qori oo Ak47 ah oo ay wateen afartii Askari ee Shabaabka ka tirsanaa ee ciidamada ay dileen.

Guddoomiyaha Waajid ayaa sidoo kale beeniyay in ciidamada Shabaab ay gudaha usoo galeen Degmada Waajid, xilli Warbaahinta Shabaabka taageerta laga baahiyay in ciidamo ka tirsan Shabaab ay gudaha u galeen Degmada Waajid, kadib dagaal culus oo halkaasi ka dhacay.

Xaalada Degmada Waajid ayaa degan, ciidamada huwanta ayaa wada howlgal ay ku baadigoobayaan raadadka Shabaabkii weerarka kusoo qaaday Degmadaasi Waajid oo sanad ka hor ciidamada dowladda usoo gacan gashay.

Idale News Online, Waajid.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.