Dhageyso: Dawlada oo ka hadashay Qaraxii Galabta ka dhacay Muqdisho

0 112

Muqdisho(INO)-Afhayeenka Wasaarada Amniga Qaranka Xukuumadii Kalsoonida lagala noqday Maxamed Yuusuf Cusmaan ayaa shir jaraa’id ku qabtay meeshii Galabta gaariga ku qarxay Afafsiyooni Degmada Waaberi ee Magaalada Muqdisho.

Maxamed-Yuusuf1

Maxamed Yuusuf waxa uu sheegay in gaariga is qarxiyey ay ka war hayeen Xogtiisa islamarkaana markii ciidanka Amaanka ay labo jiho kasoo weerareen uu is qarxiyey gaari nin shacab ah watayna ku dhuftay.

Tirada dhimashada ayuu Maxamed Yuusuf ku sheegay 5 ruux oo Afar ay yihiin Shacab halka labo kalena ay ku dhaawacmeen qaraxaasi.

Afhayeen Maxamed Yuusuf ayaa sheegay inay ciidankooda fashiliyeen qaraxaasi oo lala damacsanaa sida uu hadalka u dhigay Goobaha shacabka ku badan yihiin.

Halkan Ka Dhageyso.

Idale News Online, Muqdisho.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.