Al Shabaab oo sheegtay inay la wareegtay Degmada Waajid Ee Gobolka Bakool

95

Waajid(INO)-Sida laga baahiyey goor dhaweyd Idaacadaha Al Shabaabku maamulaan iyo bogga internetka ay wax ku qoraan waxa Dagaalamayaal katirsan Al Shabaab la shegeay inay la wareegeen Degmada Waajid ee Gobolka Bakool.

Alshabaab

Dagaal ka dhacay halkaasi ayeyna shabaabku sheegeen in ay usuurta gashay gacan ku heynta Degmada Waajid oo ay kusugnaayeen Ciidanka Itoobiya ee qeybta ka ah Howgalka AMISOM.

Al Shabaab ma aysan faah faahin khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi dhankooda iyo dhinaca ciidankii ay iska horyimaadeen waxa gaaray waxayse ku faaneen in gacanta Waajid ugashay muddo ciidankooda.

Al Shabaab ayaa inta badan meelihii laga saaray Gobollada Dalka waxay ka fuliyaan weeraro lagu sheegay ku dhufo oo ka dhaqaaq ah.

Idale News Online, Waajid.

You might also like More from author

Comments are closed.