Dhageyso: Madaxweyne Shariif Xasan oo Wasiiradiisa ku Amray in qoryaha garabka ku qaataan

0 108

Baydhabo(INO-Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeedka Soomaaliya Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa kula dar daarmay Wasiirada Maamulkiisa inay qoryaha garabka ku qaataan si buu yiri loola dagaalamo Ururka Al Shabaab.

Wasiirada KG somalia

Shariif Xasan ayaa hadalkaan ka sheegay munaasabadii shalay sabtidii uu kusoo magacaabay Golihiisa Wasiirada Maamulak Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Waxa uu ka codsaday Shacabka ku dhaqan Seddexda Gobol ee Maamulkiisa inay wada shaqeyn la yeeshaan si buu yiri Amniga sugitaankiisa looga wada qeyb qaato.

Halkan Ka Dhageyso Codka Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Waxa sidoo kale dawlada Somaliya iyo Ciidanka AMISOM uu ka rajeeyey inay la shaqeeyaan weliba si dhaw Maamulkiisa Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Idale  News Online, Baydhabo.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.