Dhageyso:Dibadbax Sababay Dhimasho Iyo Dhaawac Oo Maanta Ka Dhacay Degmada Guri-ceel Ee Gobalka Gal-gaduud

0 99

Guraceel(INO)-Wararkii ugu danbeeyay ee laga helayo Degmada Gurceel ee Gobolka Galgaduud Bartamaha Soomaaliya oo maanta uu ka dhacay Banaanbax looga soo horjeedo maamulka Dowladda Soomaaliya ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Xaalada ay hada dagan tahay.

dibadbax111

Dibadbaxa ayaa lagu taageerayay Maamulka Ahlusunna oo Magaaladaasi iskaga baxay Bishii hore ee December,waxaana Dibadbaxa uu geeystay Khasaaro Dhimasho iyo dhaawca ah.

Halkan Ka Dhageyso.

Ilaa Labo qof oo Shacab ah ayaa ku dhimatay ilaa Dhowr kalena wey ku dhaawacmeen,kadib Rasaas Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay Dadka ku fureen,kuwaas oo doonayay in Banaanbaxayaasha ay kala Eryaan.
Dibadbaxayaasha ayaa Galay Xarunta Degmada,waxaana ay Jajabiyeen Qalab xafiiseedkii yaala Xarunta Degmada Magaalada Gurceel.
Maamulka Dowladda Soomaaliya iyo Ahlusunna wali War kama soo bixin oo ku Aadan Banaanbaxa ka dhacay Degmada Gurceel.

Idale News Online, Guraceel, Galgaduud.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.