Dhageyso: Islaamka iyo u dabaal dega sanadka Cusub+ Maxaa Ka Qaldan Dadka Muslimiinta Ee Casrigan?

48

Muqdisho(INO)-Iyadoo maanta ay ku beegan tahay maalintii ugu horeysay ee sanadka cusub ee 2015-ka ayaa meel badan oo ka mid ah caalamka laga xusay. 

Sheekh Bashiir Axmed Salaad.

Soomaaliya waxay ka mid tahay meelaha laga xusay sanadka cusub iyadoo dabaal degiyo iyo Fantasiyo ay ka dhaceen magaalooyin ku yaala Soomaaliya.

Halkan Ka Dhageyso Codka Sheekh Bashiir Axmed Salaad.

Magaalada Muqdisho oo ah caasimada Soomaaliya ayaa laga dareemay dabaal dega sanadka cusub ee 2015-ka,waxaana arintaasi si weyn kaga hadlay culumaa’udiinka Soomaaliyeed oo sheegay inay tahay arin Diinta Islaamka ka hor imaaneysa in la weyneeyo munaasabado nuucaani oo kale ah.


Sheikh Bashiir Max’ed Salaad oo ah gudoomiyaha Majmaca Cuilamada Soomaaliyeed ayaa wareysi uu siyey Warbaahinta ku sheegay inay tahay mid danbi ah in la xuso sanadka cusub,islamarkaana ka hor imaaneyso ku dhaqanka Shareecada Islaamka.

Wuxuu sheegay in bilowga sanadka cusub ay la mid tahay maalmaha kale ee caadiga ,ayna jirin wax ay kaga duwan yihiin, loona baahneyn in loo dabaal dego sida dadka aan Muslimka ahayn u weyneynayaan maalmahan oo kale.

Sheikh Bashiir Max’ed Salaad ayaa hadalkiisa intaasi ku daray in Qofka Muslimka ah looga baahneyn inuu la mid noqdo kuwa aan Muslimka ahayn.
Wuxuuna carabka ku dhiftay in Qofka Musliminka looga baahan yahay inuu ogaado in Muslimiinta ay leeyihiin maalmo Farxadaeed oo kooban kuwaasi oo Diinta ku cad sida uu hadalka u dhigay.

Meelo badan oo dunida Islaamka ah ayaa looga dabaal degay bilashada sanadka cusub. 

Idale News Online, Muqdisho.

You might also like More from author

Comments are closed.