Dhageyso:Wariyaal ku dhaawacmay Qaraxyo ka dhacay Gaalkacyo oo xaaladooda caafimaad soo hagaageysa

0 47

Galkacyo(INO)-Wariyaal xalay ku dhaawacmay Qaraxyo ka dhacay magaalada Gaalkacyo ayaa xaaladooda caafimaad la soo sheegayaa inay soo hagaageyso. 

killing

Wariye C/laahi iyo Shiine Cabdi oo iyagoo dhaawac fudud ka soo gaaray Qaraxyadaasi la hadlay Warbaahinta ayaa waxay ka warbixiyeen xaaladooda caafimaad,waxayna sheegeen in hada xaaladooda caafimaad ay soo hagaageyso.

Wariye C/llaahi oo warka ku horeeyay ayaa shaaca ka qaaday in xaaladiisa caafimaad ay wanaagsan tahay,islamarkaana dhaawac fudud uu ka soo gaaray gacanta midig.

Sidoo kale,Shiine Cabdi oo ka mid ah wariyaasha dhaawac fudud uu ka soo gaaray Qaraxyada Gaalkacyo ayaa dhankiisa muujiyay in xaaladiisa caafimaad hagaagsan tahay uuna dhaawac ka qabo Lugta.

 Halkan Ka Dhageyso wareysi.

Xalay ayaa kooxo hubeysan waxay weerar ku qaaday wariyaal ku sugan magaalada Gaalgacyo ee gobolka Mudug,weerarkaasi oo waxyeelo wariyaal ay ka soo gaareen.

Ilaa iyo hada lama oga sababta wariyaasha loo weeraray.
Maamulka Gaalkacyo ayaa sheegay inay ku daba jiraan kooxihii weerarka soo qaaday.

Idale News Online, Galkacyo.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.