Dhageyso:Shaqo abuurisa loo sameynayo dhalinyarada Tahriibka ka aada Puntland

0 64

Garowe(INO)-Si loo yareeyo dhalinta ka tahriibeysa deegaanada maamulka Puntland ayaa maamulka madaxweynaha uu ka yahay C/wali Max’ed Cali Gaas wuxuu ka dhawaajiyay in shaqo abuuris loo sameynayo dhalinta Tahriibeysa. 
gaas

Madaxweyne Gaas oo ka hadlayay Xaflad diirada lagu saarayay sidii dhalinyarada safarka qatarta badan looga baajin lahaa ayaa sheegay in loo baahan yahay in Puntland go’aan cad ka gaarto dhalinyarada shaqo la’aanta ku qasbeysa inay dalkooda ka taagan,islamarkaana dhibaato kala kulmaan safaro kale oo dheer,isagoona carabka ku adkeeyay in dhalinyaradasi shaqo abuuris loo sameeyo.

Wuxuu hoosta ka xariiqay C/wali Gaas in Soomaaliya gaar ahaan Puntland leedahay Badda ugu dheer caalamka,islamarkaana ay ka buuxaan qeyraad fara badan midaasina ay tahay talaabada kaliya ee dhalinyarada looga joojin karo Qatarta ay galayaan.

 Halkan Ka Dhageyso Codka Madaxweyne Dr. Gaas.


“Si aan Tahriibta dhibaatada badan uga reysano waa inaan dhalinyaradeenu u abuurno shaqo ay ku maareeyaan nolol maalmeedkooda,” ayuu yiri madaxweynaha maamulka Puntland.

Dhalinyarado Soomaaliyeed oo isugu jira rag iyo dumar ayaa si hal haleel ah maalin waliba kaga baxa dalka,iyagoo shaqo doon u ah dalal kale oo aan dalkooda ahayn.

Idale News Online, Garowe.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.